| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo ka qeybgalay Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Beijing kaga qeybgalay Madasha Xiangshan, oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, difaaca iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo ka qeybgalay Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan
Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo ka qeybgalay Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Beijing ee dalka Shiinaha kaga qeybgalay furitaanka Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan.

Madasha ayaa kulmisa wasiirrada gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada, mas’uuliyiin sare iyo khubaro ka kala socda dalal badan, kuwaas oo ka wada hadlaya arrimaha nabadda, amniga iyo difaaca, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah.

Inta ay socoto madashan, waxaa sidoo kale la qabanayaa Madasha 4-aad ee Shiinaha iyo Afrika ee Nabadda iyo Amniga. Wasiir Fiqi ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo, isagoo kaga hadli doona horumarka Soomaaliya ka sameysay dhinacyada nabadda iyo amniga, dadaallada la-dagaallanka argagixisada iyo aragtida dalka ee iskaashiga amni ee Afrika iyo Shiinaha.

Ka qeybgalka Soomaaliya ayaa sidoo kale fursad u ah in la soo bandhigo horumarka dalka, isla markaana la xoojiyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarka iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo taageerada caalamiga ah la waafajinayo mudnaanta qaranka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan Beijing yeelan doona kulamo laba geesood ah oo looga arrinsanayo xoojinta xiriirka difaaca iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhismaha awoodda difaaca qaranka iyo taageeridda amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA