Soomaaliya oo 56 sano kadib xoojinaysa dimuqraadiyadda loona dareerayo doorasho hal qof & hal cod ah
CAALAMKA
5 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo 56 sano kadib xoojinaysa dimuqraadiyadda loona dareerayo doorasho hal qof & hal cod ahKadib 56 sano oo sugitaan ah, Soomaaliya waxay taagan tahay marxalad taariikhi ah, iyadoo ku dadaalaysa qabashada doorasho toos ah, inkastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo goboleed.
00:00
Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa qabashada doorasho hal qof iyo hal cod ah markii ugu horeysay taariikhda. / Office of the Prime Minister, Somalia
21 Abriil 2025

W/Q: Nuri Aden

Markii ugu dambeysay ee shacabka Soomaaliyeed ay isu diyaariyeen inay si toos ah codkooda u dhiibtaan waxay ahayd sannadkii 1969 — xilligaas oo ku beegnaa markii dayaxa la tagey, Internet-kuna uu weli ahaa fikrad cusub, Qaramada Midoobayna ay 126 xubnood oo kaliya lahayd, Afrika-na ay ku jirtay marxaladdii xornimo-raadinta.

Waxay aheyd laba sano uun kahor markii madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar, uu si nabad ah u aqbalay natiijadii doorashada, taasoo dhigtay aasaaska loogu talagalay inay noqoto Soomaaliya u guurto dimuqraadiyad waarta.

Haddaba, in ka badan nus qarni kadib, Soomaaliya waxay u dhowdahay inay taariikh sameyso iyadoo wajahaysa caqabado siyaasadeed iyo kuwo goboleed, balse weli ku dadaalaysa hirgelinta nidaam doorasho oo toos ah oo ku dhisan mabda’a “hal qof, hal cod.”

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ah tallaabada ugu horreysa ee xagga doorashada, ayaa dhawaan si rasmi ah uga bilaabatay dalka, taasoo loo arko fursad lagu xoojinayo dimuqraadiyadda Soomaaliya oo kasoo kabanaysa colaado.

Diiwaangelinta oo ka bilaabatay gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, inkasta oo ay jiraan walaacyo amni, ayaa khubaradu sheegeen in ay ku qanancsan yihiin in hawshu si habsami leh u socon karto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa booqday goobaha diiwaangelinta, isagoo dhinac ka galay saf dheer isaga iyo madax kale si uu shacabka ugu dhiirrigeliyo inay is diiwaangeliyaan.

“Dadka lahaa Soomaaliya doorasho lagu kalsoonaan karo kama dhici karto, waxaa beeniyay ka-qaybgalka ballaaran ee shacabka. Siyaasiyiinta iyo musharraxiinta waa inay hadda dadweynaha la hortagaan barnaamijyadooda iyo wixii ay hore u qabteen,” ayuu yiri Barre.

Wasiiradda arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa noqotay xubintii ugu horeysay ee ka tirsan xukuumadda oo si rasmi ah isu diiwaangelisa.

“Ka qeybgalka shacabku runtii waa mid dhiirrigelin leh. Dadku waxay usoo baxeen si weyn si ay u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta — taasoo ka mid ah tiirarka xuquuqda aadanaha. Soomaaliya taariikh bay qoraysaa. Insha Allah, Soomaaliya wey guuleysan doontaa,” ayuu yiri Barre.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in nidaamka hal qof, hal cod “uu meesha ka saarayo isla xisaabtan la’aanta” isla markaana uu saldhig u yahay doorasho xor iyo xalaal ah.

Iyadoo rajo weyn laga qabo geeddi-socodka doorashada, haddana caqabado siyaasadeed ayaa taagan. Labo ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka — Puntland iyo Jubaland — ayaa joojiyay wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa muujiyay walaaca ka jira is-afgaranwaaga iyo caqabadaha doorashooyinka.

“Ma keeni karaan doorasho gobolka Gedo, maadaama aysan jirin hay’ad doorasho oo lagu mideysan yahay. Doorasho ma aragno inay halkan ka dhici karto,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay tallaabooyinka kala qaybinaya doorashada, isagoo adkeeyay muhiimadda midnimada si dimuqraadiyaddu u kobocdo.

“Doorashooyin iyo isbeddello dastuuri ah oo ka reebaya Puntland, Jubaland iyo qeybo ka mid ah hoggaanka siyaasadeed waxay la mid yihiin in la dayaco midnimada iyo wadajirka qaranka,” ayuu yiri.

Hase yeeshee, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay kalsooni ku aaddan in dimuqraadiyaddu guuleysan doonto.

“Jamhuuriyaddu waxay ka gudubtay marxalad adag, waxay dhisatay hay’ado, waxay leedahay Dastuur, waxayna haatan isu diyaarinaysaa doorasho hal qof, hal cod ah. 56 sano ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay ee aan codeyn aadno” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hanaanka diyaar-garowga doorashada

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEBC), oo uu hoggaaminayo guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa u asteeyay 20-ka Janaayo ilaa 21-ka Abriil sidii waqtiga diiwaangelinta ururrada siyaasadeed ka hor doorashada taariikhiga ah.

Shuruudaha u degsan ururrada ayaa ah in ay haystaan ugu yaraan 10,000 oo xubnood.

Qiyaastii 800 xarumood ayaa laga qorsheeyay guud ahaan dalka, gaar ahaan Muqdisho (gobolka Banaadir), Hirshabelle, Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo SSC-Khaatumo.

Guddigu wuxuu yareeyay tirada degmooyinka doorashada ee 1991-dii ka hor ahaa 95 balse hadda laga dhigay 65 degmo, taasoo fududeysay maareynta hawsha doorashada.

Waxaa sidoo kale la adeegsaday tignoolajiyad casri ah oo lagu fududeynayo diiwaangelinta, iyadoo shaqaalaha doorashada la siiyay tababaro ballaaran.

Iyadoo hal sano ka harsan tahay muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, siyaasiyiin saameyn leh — sida Ra’iisul Wasaareyaashii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan — ayaa taageeray wadahadallada qaran ee ay dowladda hoggaaminayso si looga gudbo khilaafka siyaasadeed.

Bishii Agoosto 2024, Golaha Wasiirrada Federaalka ayaa si mideysan u ansixiyay Xeerka Ururrada Siyaasadeed iyo Xisbiyada iyo Xeerka Doorashooyinka Qaranka, taasoo ah tallaabo sharciyeed muhiim ah oo loo qaaday dhanka doorashada la qorsheeyay bisha Juun.

Taariikh Isbeddello badan leh

Tan iyo markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, dalka waxaa soo martay sagaal madaxweyne iyo toban doorasho madaxweyne. Labo keliya oo kala ahaa Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke — ayaa si toos ah loogu doortay cod dadweyne.

Wareejinta xukunka ee Aadan Cabdulle uu u sameeyay Sharmaarke kadib guuldarradii doorashada 1967 waxay ahayd tii ugu horreysay ee taariikhi ah ee si nabad ah ku dhacda.

Balse horumarkii dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya wuxuu si lama filaan ah ku istaagay 1969, markaasoo la dilay Madaxweyne Sharmaarke, kadibna ay xukunka la wareegeen ciidanka militariga.

Doorashooyinkii baarlamaanka ee sanadkii 1969, oo ay ku tartamayeen ku dhowaad 64 xisbi siyaasadeed, waxaa hareeyay eedeymo ku saabsan musuqmaasuq baahsan iyo kala qaybsanaan siyaasadeed, waxaana ay noqdeen kuwii ugu dambeyay ee xisbiyo badan si xor ah ugu tartamaan muddo tobanaan sano ah.

Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii waxaa la galay dagaalo sokeeyo, dalkuna wuxuu u wareegay hannaan doorasho aan toos ahayn.

Sannadkii 2012, Soomaaliya waxay dib u bilowday doorasho baarlamaan iyadoo 135 oday dhaqameed ay soo xuleen xildhibaannada.

Tirada ergada doorashada dadban ayaa kor u kacday sannadkii 2016 iyadoo gaartay 14,025, waxaana la sii kordhiyay 2022, markaas oo 275 xildhibaan iyo 54 senator ay si wadajir ah u doorteen madaxweynaha.

Maanta, iyadoo caqabado siyaasadeed iyo is-qabqabsi goboleed uu jiro, Soomaaliya waxay mar kale ku jirtaa dadaal ay dib ugu heli karto codeyn dadweyne oo toos ah, taasoo ah tallaabo ay dad badan u arkaan in ay noqon karto mid xasillooni u horseedda Geeska Afrika.

Xigasho: TRT Afrika

Raadi Warar Kale
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo cambaareysay booqashada Gideon Saar ee Somaliland, kuna tilmaantay mid sharci darro ah
Masar oo diidday tallaabada Israa’iil ee sharci-darrada siyaasadeed ah ee lagu aqoonsaday Somaliland
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela
Maduro ayaa amar ku bixiyay abaabul qaran isagoo cambaareeyey “weerarka gumeysi ah" ee Mareykanka
Qaraxyo gilgilay Caracas kaddib digniin uu Trump ka bixiyay duqeymo lagu qaado Venezuela
Israa'iil oo aqoonsashada Somaliland uga bedelatay saldhig & barakicinta Falastiiniyiinta: MW Xasan
Hoggaamiyaha Suudaan Burhaan oo ballanqaaday guul laga gaaro RSF, lana gaari doono dib-u-heshiisiin