Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya labada dal.
Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyagoo diiradda saaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dowladda Sacuudiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, iyo doorka ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Dhinaca kale, Danjire Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad ayaa xaqiijiyay sida ay Boqortooyada Sacuudigu uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarka dalka ka socda.






















