Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Muqdisho kulamo kala gaar ah kula yeeshay safiirrada dalalka Jabuuti iyo Yemen u fadhiya dalka.
Kulamadan oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo labadaas waddan.
Kulanka hore ayuu guddoomiyuhu la yeeshay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo guddoomiyaha u gudbiyay dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan xilka cusub ee loo doortay.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa xukuumadda Jabuuti uga mahadceliyay doorkii ay ka qaadatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo garab-istaagga ay u muujiso shacabka Soomaaliyeed, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la dardargeliyo xiriirka laba-geesoodka ah.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qaabilay safiirka Yemen ee Soomaaliya, Danjire Fadl Cali Axmed Saalax.
Safiirka ayaa madashaasi bogaadin iyo rajo wanaagsan ugu muujiyay guddoomiyaha, isagoo u rajeeyay inuu ku guulaysto shaqada baaxadda leh ee hortaalla.
Kulankan ayaa lagu lafaguray sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka iyo saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhexaysa dowladdaha iyo shucuubta Soomaaliya iyo Yemen.





















