Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, si ay uga wada hadlaan u diyaar-garowga El Niño iyo gurmadka degdegga ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka Ciidanka Badda ee ilaalinta bulshooyinka nugul, gaar ahaan dadka ku nool xeebaha iyo deegaannada u nugul fatahaadaha.
Sarreeye Guuto Cabdiwahaab ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Ciidanka Badda uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeeyaan SoDMA, isla markaana ay taageeraan qorshaha qaran ee u diyaar-garowga.
Guddoomiyaha Hay’adda Maxamuud Macallin ayaa bogaadiyay dadaallada diyaar-garowga ee Ciidanka Badda, wuxuuna ku baaqay dadaal iyo tallaabo dheeraad ah oo lagu ilaalinayo laguna badbaadinayo nolosha dadka.




















