Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Cyprian Kubai Iringo iyo safiir ku-xigeenka dowladda Kenya ee Soomaaliya, Ilyaas Barre Shiil.
Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, iyadoo labada dal ay wadaagaan xuduud dheer iyo dano ganacsi oo ballaaran.
Intii uu kulanku socday, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa danjiraha la wadaagay xaaladda amni ee dalka iyo horumarada ay xukuumaddu ka samaysay hawlgallada milatari ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Wuxuu si gaar ah hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay leedahay in labada dal ee deriska ah ay yeeshaan iskaashi dhow oo ku aaddan sugidda amniga xuduudaha iyo ka-hortagga khataraha isaga gudba xuduudaha, si loo damaanad qaado xasilloonida iyo ilaalinta danaha ay wadaagaan.
Dhankiisa, Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa muujiyay sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay joogteynta wada-shaqaynta iyo is-garabtaagga Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo ciribtirka falalka la xiriira argagixisada.

























