| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Lagu Dhisayo Hay'adda NEMA
Senatarrada Aqalka Sare ayaa si wadajir ah u ansixiyay hindise sharciyeedka dhisaya Hay’adda Qaranka ee Maareynta Deegaanka, kadib markii la dhammaystiray akhrintiisii saddexaad.
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Lagu Dhisayo Hay'adda NEMA
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhisaya Hay’adda Qaranka ee Maareynta Deegaanka (NEMA)

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhisaya Hay’adda Qaranka ee Maareynta Deegaanka (NEMA), kadib markii la dhammaystiray akhrintiisii saddexaad intii lagu guda jiray kulankii 12-aad ee kalfadhiga siddeedaad.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).

Dhammaan senatarradii kulanka joogay ayaa u codeeyay ansixinta hindise sharciyeedka, iyadoo aanu jirin qof ka aamusay ama ka horyimid. Tani waxay timid kadib warbixin ay soo bandhigtay Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka ee Aqalka Sare, Senator Seynab Ismaaciil Maxamed. Warbixinta ayaa faahfaahin ka bixisay wax-ka-beddellada lagu sameeyay hindise sharciyeedka iyo sida loogu daray talooyinkii senatarradu soo jeediyeen intii lagu jiray akhrintii labaad.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Xuseen Cali Xaaji, ayaa senatarrada uga mahadceliyay ansixinta sharcigan, isagoo sharaxay muhiimaddiisa iyo arrimaha uu wax ka qabanayo.

Isla kulankaas, senatarradu waxay akhrinta labaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Amniga Internet-ka ee Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah. Warbixinnada labada hindise sharciyeed waxaa soo bandhigay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare, Senator Ibraahim Awgaab Cismaan, iyo xubin ka tirsan Guddiga Caddaaladda ee Aqalka Sare, Senator Siciid Cabdi Xuseen Awke.

Senatarro dhowr ah ayaa aragtiyahooda ka dhiibtay qodobbada ku jira hindise sharciyeedyada iyo sidii loo sii hagaajin lahaa.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin, iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka jawaabay su’aalo ay senatarradu ka weydiiyeen labada hindise sharciyeed.

XIGASHO:SONNA