Masar ayaa Talaadadii cambaareysay waxa ay ku tilmaantay weerarro ay Iiraan ku qaaday maraakiib laga leeyahay Qatar iyo Sacuudiga oo marayay Marinka Hormuz, iyadoo sheegtay in dhacdooyinkaas ay jebinayaan sharciga caalamiga ah isla markaana ay halis gelinayaan amniga maraakiibta iyo sahayda tamarta ee caalamka.
Laba bayaan oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayay ku xaqiijisay mowqifka Qaahira ee diidmada fal kasta oo khatar gelinaya amniga iyo xasilloonida gobolka ama halis u horseedaya xorriyadda isu socodka maraakiibta ee marinnada biyaha caalamiga ah.
Masar ayaa muujisay garab istaaggeeda Qatar iyo Sacuudiga, waxayna ku baaqday in la dhowro sharciga caalamiga ah isla markaana si degdeg ah loo joojiyo fal kasta oo sii hurin kara xiisadda gobolka.
Horaantii Talaadada, Qatar ayaa u yeertay ku xigeenka danjiraha Iiraan ee Doha si ay uga dhiibato waxa ay ku sheegtay weerar lagu qaaday markab laga leeyahay Qatar oo ku dhowaa Marinka Hormuz. Qatar waxay Tehran ugu baaqday inay si degdeg ah u joojiso falalka halista ku ah amniga gobolka iyo sahayda tamarta ee caalamka.
Sacuudiga ayaa sidoo kale ku eedeeyay Iiraan inay weerartay markab shidaal oo Sacuudi leeyahay oo marayay marin-biyoodka istaraatiijiga ah, isagoo sheegay in dhacdadaasi ay khatar gelisay isu socodka maraakiibta caalamiga ah iyo amniga tamarta adduunka.
Warbaahinta dowladda Iiraan ee IRIB, oo soo xiganeysay ilo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in markab laga leeyahay Qatar la bartilmaameedsaday kadib markii uu iska dhega tiray digniino isdaba joog ah oo uga yimid ciidamada Iiraan, xilli uu marayay Marinka Hormuz isaga oo taageero ka helaya Ciidanka Badda ee Mareykanka.
Marinka Hormuz waa mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee tamarta adduunka, waxaana mara qayb weyn oo ka mid ah dhoofinta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee ay dhoofiyaan dalalka Khaliijka.



















