| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo booqasho shaqo ku tagay Turkiga
Garoonka diyaaradaha ee Ankara waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, Fathudiin Cali Maxamed, iyo mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adda Diyanet
Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo booqasho shaqo ku tagay Turkiga
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda wasaaraddiisa.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Awqaafta, wafdiga ayaa booqashada ku tagay Turkiga kadib casuumaad ay ka heleen Hay'adda Arrimaha Diinta Turkiga (Diyanet).

Garoonka diyaaradaha ee Ankara waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, Fathudiin Cali Maxamed, iyo mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adda Diyanet.

Inta uu socdaalku socdo, wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la kulmi doona madaxda Diyanet, iyadoo kulamadu diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga labada dhinac ee arrimaha diinta, maamulka awqaafta, horumarinta adeegyada Xajka iyo Cumrada, tababarka culimada Soomaaliyeed iyo mashaariicda ay Soomaaliya iyo Turkigu iska kaashadaan.

Booqashadan ayaa qayb ka ah iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada arrimaha diinta iyo horumarinta hay'adaha dowladda.

Kulamada ayaa ku soo beegmaya toddobaad kadib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya uu ansixiyay heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Hay'adda Arrimaha Diinta Turkiga (Diyanet) iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, kaas oo dhigaya hannaan lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha diinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu saldhig u noqon doono iskaashi ku saabsan horumarinta aqoonta diinta, tayeynta hay'adaha diinta, tababarka culimada, is-dhaafsiga khibradaha iyo hirgelinta barnaamijyo wadajir ah, taasoo qayb ka ah xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca arrimaha diinta.

XIGASHO:TRT SOMALI