| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya: Midowga Afrika iyo Turkiga oo dib u xaqiijiyay taageerada ay u hayaan dadaallada amniga
Ujeeddada ugu weyn ee iskaashigan ayaa ah taageeridda dadaallada ay hormuudka ka tahay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu adkeeyo nabadda, amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.
Soomaaliya: Midowga Afrika iyo Turkiga oo dib u xaqiijiyay taageerada ay u hayaan dadaallada amniga
Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska hawlgalka AUSSOM, wada-hadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya AUSSOM iyo dowladda Turkiga.

Ujeeddada ugu weyn ee iskaashigan ayaa ah taageeridda dadaallada ay hormuudka ka tahay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu adkeeyo nabadda, amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.

Intii uu kulanku socday, labada mas’uul ayaa si wadajir ah carabka ugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga beesha caalamka.

Waxay sidoo kale isku raaceen in la dardargeliyo dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo geeddi-socodka dhismaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasilooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya.