| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Ka Qaybgashay Kulankii 36-aad ee Hay’adaha Siyaasadda ee EASF oo Lagu Qabtay Kampala
Soomaaliya ayaa ka qayb gashay shirkii 36-aad ee EASF ee Kampala, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca, xaaladda gobolka iyo qorshayaasha Ciidanka Heeganka Bariga Afrika
Soomaaliya oo Ka Qaybgashay Kulankii 36-aad ee Hay’adaha Siyaasadda ee EASF oo Lagu Qabtay Kampala
Soomaaliya oo Ka Qaybgashay Kulankii 36-aad ee Hay’adaha Siyaasadda ee EASF oo Lagu Qabtay Kampala / SONNA

Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Idris Cismaan Xaaji Cali, ayaa ka qaybgalay Kulankii 36-aad ee Hay’adaha Siyaasadda ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF), kaas oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda.

Kulankan ayaa waxaa isugu yimid Guddiga Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca iyo Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga. Kulamada waxaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista howlaha EASF, qiimeynta xaaladda amni ee gobolka, xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo ansixinta qorshaha shaqo ee hay’adda inta ka harsan sannadka 2026.

Kulankan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay xaaladda amni ee Suudaan iyo dadaallada dib-u-kabashada. Waxaa la isku raacay in Jamhuuriyadda Suudaan ay sannadka 2027 la wareegto guddoominta Ciidanka Heeganka Bariga Afrika.

Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale ka mid ahaa Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Xassan, oo wakiil ka ahaa Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, iyo Fardowsa Maxamed Qanyare, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Uganda.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo sahayda & maalgelinta Xuutiyiinta
MW Masar iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Adkeeyay Baahida loo Qabo in la Dejiyo Xiisadaha Gobolka
Masar oo Cusbooneysiisay Xiriirrada ay la Leedahay Soomaaliya iyo Yemen si loo Sii Daayo Badmaaxiin
RSF oo Koonfurta Kordofan ku Weerartay Kolonyo Gargaar oo Qaramada Midoobay ah
Jabuuti: Mas’uul Dowladda ka Tirsan oo Ku Baaqay In Af-Soomaaligu Meel Ku Yeesho Garaad Gacmeedka
Duulimaadyada Muqdisho iyo Muscat oo Dib u Billowday 30 Sano Kaddib
Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee wasiirrada ganacsiga ee Hindisaha Geeska Afrika
Wasiirka Amniga oo la Kulmay Wasiirrada Dawlad-goboleedyada u Qaabilsan Amniga
Mogadishu: Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo ka Wada Hadlay Mudnaanta Sharci-dejinta
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qaybgalay Kulanka Guddiga Fulinta ee UN-Habitat
Soomaaliya iyo UDST oo Heshiis ku Kala Saxiixday dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyadda
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Suudaan u Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Amniga iyo Difaaca
Madaxweynaha Shiinaha Xi oo Masar Gaaray, Booqashadiisii Ugu Horreysay Muddo 10 Sano ah
Shirka Qaran ee Amniga Gudaha Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Soomaaliya oo Muqdisho ku Martigelinaysa Madasha Isgaarsiinta Istaraatiijiga ah ee 2026
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Fursado Maalgashi iyo Kuwo Iskaashi Istaraatiiji ah
MW Xasan Sheekh oo Wadahadallo la Yeeshay Madax Kala Duwan oo ka Qaybgalaya Shirka NAM ee Serbia
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo cambaareeyay afgambigii dhicisoobay ee Niger
Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay