| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Safiirka Turkiga oo booqday Isbitaalka Tababarrada iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdogan: Muqdisho
Danjire Alkan ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee isbitaalka, isagoo u kuurgalay qalabka caafimaadka ee casriga ah iyo adeegyada ay shaqaalaha caafimaadku u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed.
Safiirka Turkiga oo booqday Isbitaalka Tababarrada iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdogan: Muqdisho
Safiirka Turkiga oo booqday Isbitaalka Tababarrada iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdogan ee Muqdisho / Others

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Isbitaalka Tababarrada iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdogan ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay maamulka isbitaalka, kana xog wareystay adeegyada caafimaad iyo horumarka laga sameeyay xarunta.

Danjire Alkan ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee isbitaalka, isagoo u kuurgalay qalabka caafimaadka ee casriga ah iyo adeegyada ay shaqaalaha caafimaadku u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa bogaadiyay dadaalka maamulka iyo shaqaalaha, isagoo ku ammaanay kaalintooda horumarinta adeegyada caafimaadka.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya iyo Turkigu ay wadaan dadaallo lagu ballaarinayo iskaashiga caafimaadka.

Bishii Oktoobar, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Istanbul kula kulmay dhiggiisa Turkiga, Kemal Memisoglu, iyagoo ka wada hadlay ballaarinta iyo casriyeynta isbitaalka Muqdisho, dhismaha isbitaal laga hirgelinayo Warsheekh iyo tababarrada takhasuska ee dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan oo dib loo furay sannadkii 2015 ayaa leh 377 sariirood, ayaa bixiya adeegyo ay ka mid yihiin qalliinnada, daryeelka degdegga ah iyo caafimaadka hooyada.

Agaasimaha isbitaalka, Maxamed Xuseen Ashraf, ayaa sheegay in xaruntu ay maalin kasta adeeg daaweyn u fidiso ku dhowaad 1,600 oo bukaan, isla markaana ay tababarro caafimaad ka heleen kumannaan dhakhaatiir Soomaaliyeed ah.

Isbitaalkan ayaa door muhiim ah ka qaata daryeelka bukaannada iyo tayeynta xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliya, iyadoo ay ka hawlgalaan khubaro caafimaad oo Soomaaliyeed iyo kuwo Turki ah.

XIGASHO:TRT SOMALI