| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo mar kale cambaareysay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland kuna tilmaantay sharci darro
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka DFS ayaa sheegay in tallaabooyinka noocan ah aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, maadaama Israa’iil ay sannado badan ku kacaysay ku xadgudubyo la mid ah.
Soomaaliya oo mar kale cambaareysay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland kuna tilmaantay sharci darro
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka DFS, Xasan Macallin, oo ka qaybgalaya Barnaamijka “Wadahadalka Istiraatiijiga ah ee Turkiga iyo Afrika”. / AA
10 Febraayo 2026

Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay cambaareynta go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ka go’ay Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid si cad uga hor imaanaysa sharciga iyo xeerarka caalamiga ah, isla markaana xustay in Tel Aviv lagu yaqaanney xadgudubyo la mid ah.

“Qirashada Israa’iil waa ku xadgudub. Marka horeba, waxay ka hor imanaysaa sharciga caalamiga ah iyo xeerarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay. Waxay muujinaysaa sida Israa’iil u tixgelin weyday sharciga iyo nidaamka caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, isagoo la hadlayay wariyeyaasha intii uu socday Barnaamijka Wadahadalka Istiraatiijiga ah ee Turkiga iyo Afrika oo ay Ankara ku qabatay Akadeemiyada Sirdoonka Qaranka (MİA), isagoo ka jawaabayay su’aalo la xiriira aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

26-kii Diisember ee sannadkii hore, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo leh dowladnimo buuxda, taasoo ka dhigtay waddanka keliya ee tallaabadaas qaada. Go’aankaasi ayaa dhaliyay cambaareyn ballaaran oo ka timid dalalka gobolka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabooyinka noocaas ah aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, maadaama Israa’iil ay sannado badan ku kacaysay ku xadgudubyo la mid ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan la oggolaan doonin isku day kasta oo lagu kala qaybinaayo dalka ama lagu qabsanayo qaybo ka mid ah dhulkiisa, isagoo xusay in dalal saaxiib ah ay si cad u taageereen wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Turkiga.

Sidoo kale, Xasan Macallin Maxamuud ayaa bogaadiyay doorka Turkiga ee taageerada uu siiyo Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada, isaga oo tixraacay heshiiska difaac ee labada dal kala saxiixdeen 2024.

“Turkiga, isagoo u hoggaansamaya heshiiska, wuxuu Soomaaliya keenay qalab milatari oo casri ah iyo diyaarado dagaal si loola dagaallamo argagixisada,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in shacabka Soomaaliyeed ay maqleen dhawaaqa diyaaradaha dagaalka ee Turkigu u soo diray Soomaaliya, isagoo sheegay in aragga iyo maqalka diyaaradahaasi ay noqdeen arrin si weyn loo dareemay.

Iyadoo la raacayo heshiiska difaac ee 2024, Turkiga ayaa Soomaaliya siiyay taageero milatari oo ballaaran, oo ay ka mid yihiin diyaarado aan duuliye lahayn oo hubeysan iyo qalab kale, si loo xoojiyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh joogitaan xooggan oo isugu jira gargaar bani’aadannimo, mashaariic kaabayaal dhaqaale, barnaamijyo waxbarasho iyo iskaashi milatari.

Duulimaadyada joogtada ah ee diyaaradda Turkish Airlines ayaa isku xira Muqdisho iyo Istanbul, iyo sidoo kale goobo kale oo caalami ah, taasoo fududeysay isku socodka hawada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka caalamka.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Wasiirka Tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo soo dhaweynta markabka Çağrı Bey
Indhaha caalamka oo ku sii jeeda Pakistan: Maraykanka iyo Iiraan oo u diyaar garoobaya wadaxaajood
Jaamacadda Ummadda oo heshiisyo istaraatiiji ah oo tacliimeed & tiknoolajiyadeed ka gaartay Shiinaha
Jabuuti oo qabatay doorashada madaxtinimo iyadoo Geelle la filayo inuu helo xilkiisii lixaad
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Tripoli si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah
Masar oo cambaareysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan, kuna eedeysay inay carqaladeynayso nabadda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gabagabeeyay kulamo dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Koonfur Galbeed
Maraakiib ku xaniban marinka Hormuz kadib amar ay Iiraan ku bixisay in ay soo maraan ciidanka badda
Trump oo sheegay in ciidamada Maraykanku sii joogi doonaan Iiraan ilaa heshiis dhab ah la hirgeliyo
“Xabbad-joojinta waa inay ku jirtaa Lubnaan,” Brussels ayaa tiri kadib weerarro ay fulisay Israa’iil
Iiraan oo sheegtay in Maraykanku “mabda’ ahaan” aqbalay qorshe nabadeed oo ka kooban 10 qodob
Soomaaliya oo taariikhda markii ugu horreysay fariisatay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika
Muqdisho: Qorshe qaran oo cusub oo loo dejiyay tayeynta iyo ballaarinta nidaamka caafimaadka dalka
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay mas’uuliyiin, ku baaqay dardargelinta horumarinta Baydhabo
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyay kulan looga hadlay amniga iyo horumarka Koonfur Galbeed
Trump oo oggolaaday inuu joojiyo weerarrada Iiraan muddo laba toddobaad ah
Maraakiibta ka gudbaysa marinka Hormuz oo kordhay maalmihii tagey tan iyo bilowgii dagaalka Iiraan
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyay kulan amni oo heer sare ah: Koonfur Galbeed
Soomaaliya: Rajo cusub oo curatay xilli markabka qodista shidaalka ee Turkiga uu ku dhow yahay dalka
Duqeymo ciidanka Soomaaliya ka fuliseen agagaarka Baydhabo oo lagu dilay 12 maleeshiyo Al-Shabaab ah