| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
"Suuriya oo mid ah ayaa fure u ah amniga xuduudaha Turkiga" – Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya
Wasiir Shaybaani ayaa ku baaqay in taageero caalami ah loo fidiyo xasilloonida Suuriya, isagoo ku celiyay baaqyada ku aaddan in Israa'iil ay ciidamadeeda ugala baxdo xariiqyadii ay haysatay ka hor 8-dii Diseembar 2024
"Suuriya oo mid ah ayaa fure u ah amniga xuduudaha Turkiga" – Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaybaani iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan

Dal ahaan Suuriya oo ka caaggan argagixiso iyo maleeshiyooyin, isla markaana ah hal qaran oo midaysan, ayaa ah "dammaanadda ugu xooggan" ee lagu ilaalin karo xuduudaha ay la wadaagto Turkiga, sida uu caddeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaybaani.

Wasiir Al-Shaybaani ayaa hadalladan ka jeediyay shir jaraa'id oo uu si wadajir ah ula qabtay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, kaas oo Khamiistii ka dhacay caasimadda Ankara.

Shirkaas jaraa'id dhexdiisa, ayuu Wasiir Fidan ku sheegay in weerarrada Israa'iil ee gudaha Suuriya ay kamid yihiin khataraha ugu waaweyn ee ku wajahan xasilloonida dalkaas, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda Israa'iil inay sii hurinayso colaadaha iyo degganaansho la'aanta ka taagan guud ahaan gobolka.

Isagoo ka falcelinaya heshiiskii dhowaan la gaaray ee lagu dhaqaajinayo qorshaha nabadda ee marinka Qaza, Fidan ayaa xusay in weerarrada isdaba-joogga ah ee Israa'iil "ay mar kale si cad u muujiyeen in (Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin) Netanyahu uusan doonayn nabad."

Dhankiisa, Al-Shaybaani ayaa sheegay in xukuumadaha Dimishiq iyo Ankara ay ka shaqeynayaan sidii loo dhisay Golaha Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Heerka Sare, si loo xoojiyo wada-shaqaynta arrimaha ay wadaagaan, loona ballaariyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Wasiirka Suuriya ayaa sidoo kale si weyn u soo dhaweeyay mashruuca waddada tareenka ee qorsheysan inuu isku xiro dalalka Suuriya, Turkiga, Urdun iyo Sucuudi Carabiya, isagoo ku tilmaamay inuu noqon doono buundo muhiim ah oo isku xirta dhinacyada juquraafiga, dhaqaalaha iyo diblumaasiyadda ee afartan waddan.

Isagoo xusay in la-dagaallanka argagixisadu uu yahay udub-dhexaadka diblumaasiyadda labada dal, Al-Shaybaani wuxuu sheegay in Suuriya ay haatan qaadayso tallaabooyin la taaban karo oo lagu xoojinayo awoodda dowladnimo, iyadoo la burburinayo kooxaha hubeysan ee sharci-darrada ah.

"Kani waa maalgashiga ugu weyn ee lagu samaynayo amniga dalalka deriska ah. Suuriya oo mid ah, kana caaggan argagixiso iyo maleeshiyooyin, waxay dhisaysaa darbiga amni ee ugu adag si loo ilaaliyo xuduudaha aan la wadaagno (Turkiga)," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in Turkiga iyo Suuriya ay sii wadayaan isku-duwidooda iyagoo ku salaynaya danaha qaranka ee ay wadaagaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dalalka gobolka inay sii qotomiyaan iskaashigooda dhinacyada milatariga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Weerarrada Israa'iil iyo xiisadda gobolka

Wasiir Al-Shaybaani ayaa si adag u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa'iil ay ku qaaddo koonfurta Suuriya, isagoo sheegay inay beegsanayaan madax-bannaanida dalka iyo midnimadiisa dhuleed, iyagoo dhinaca kalena khatar ba'an gelinaya xasilloonida gobolka.

"Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ku aaddan in dib loogu laabto Heshiiskii Kala-qaadista Ciidamada ee 1974-kii, iyo in Israa'iil ay dib uga gurato oo ay ka baxdo xariiqyadii ay haysatay ka hor 8-dii Diseembar 2024. Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay dhowrto sharciga caalamiga ah, kana qaybqaadato ilaalinta xasilloonida Suuriya iyo guud ahaan gobolka," ayuu carrabka ku adkeeyay Al-Shaybaani.

Wasiirka ayaa caddeeyay in dadaallada xasilinta dhinaca waqooyi ee Suuriya ay si xooggan u socdaan, halka hindisayaal diblumaasiyadeedna lagu raadinayo sidii loo joojin lahaa weerarrada Israa'iil ay ka waddo koonfurta dalkaas.

Isagoo ka hadlayay dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iiraan, wuxuu carabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo in dagaalkaas uu joogsado, isagoo xusay in xiisadda sii kordhaysa ee gobolka ay sidoo kale saamayn xun ku yeelatay gudaha Suuriya.

Gaba-gabadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay weerarrada ay Iiraan ku qaadday dalalka Khaliijka, arrintaas oo muujinaysa mowqifka xukuumadda Dimishiq ee ku aaddan isbeddellada ammaan ee ka taagan Bariga Dhexe.

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
Midowga Yurub oo diiday isbeddel lagu sameeyo bulshada iyo dhulka Qaza
Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo sahayda & maalgelinta Xuutiyiinta
MW Masar iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Adkeeyay Baahida loo Qabo in la Dejiyo Xiisadaha Gobolka
Masar oo Cusbooneysiisay Xiriirrada ay la Leedahay Soomaaliya iyo Yemen si loo Sii Daayo Badmaaxiin
RSF oo Koonfurta Kordofan ku Weerartay Kolonyo Gargaar oo Qaramada Midoobay ah
Jabuuti: Mas’uul Dowladda ka Tirsan oo Ku Baaqay In Af-Soomaaligu Meel Ku Yeesho Garaad Gacmeedka
Duulimaadyada Muqdisho iyo Muscat oo Dib u Billowday 30 Sano Kaddib
Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee wasiirrada ganacsiga ee Hindisaha Geeska Afrika
Wasiirka Amniga oo la Kulmay Wasiirrada Dawlad-goboleedyada u Qaabilsan Amniga
Mogadishu: Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo ka Wada Hadlay Mudnaanta Sharci-dejinta
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qaybgalay Kulanka Guddiga Fulinta ee UN-Habitat
Soomaaliya iyo UDST oo Heshiis ku Kala Saxiixday dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyadda
Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Safiirka Suudaan u Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Amniga iyo Difaaca
Madaxweynaha Shiinaha Xi oo Masar Gaaray, Booqashadiisii Ugu Horreysay Muddo 10 Sano ah
Shirka Qaran ee Amniga Gudaha Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Soomaaliya oo Muqdisho ku Martigelinaysa Madasha Isgaarsiinta Istaraatiijiga ah ee 2026
Soomaaliya iyo Qatar oo Ka Wada Hadlay Fursado Maalgashi iyo Kuwo Iskaashi Istaraatiiji ah
MW Xasan Sheekh oo Wadahadallo la Yeeshay Madax Kala Duwan oo ka Qaybgalaya Shirka NAM ee Serbia
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo cambaareeyay afgambigii dhicisoobay ee Niger