| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
SoDMA oo Agaasintay Wadahadallo Ku Saabsan U Diyaargarowga Khatarta Fatahaadaha Kahor Xilliga Deyrta
Kulanka ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay, bahwadaagta caalamiga ah, iyo deeq-bixiyeyaasha, si loo xoojiyo nidaamyada digniinta hore, loo hagaajiyo qorsheyaasha u diyaargarowga fatahaadaha.
SoDMA oo Agaasintay Wadahadallo Ku Saabsan U Diyaargarowga Khatarta Fatahaadaha Kahor Xilliga Deyrta
SoDMA oo Agaasintay Wadahadallo Ku Saabsan U Diyaargarowga Khatarta Fatahaadaha Kahor Xilliga Deyrta

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin, iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa Isniintii magaalada Nairobi ka furay madal ay soo qabanqaabisay SoDMA oo looga hadlayay diyaar-garowga roobabka Deyrta ee soo socda iyo khataraha fatahaadaha ee la filayo.

Kulanka ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay, bahwadaagta caalamiga ah, iyo deeq-bixiyeyaasha, si loo xoojiyo nidaamyada digniinta hore, loo hagaajiyo qorsheyaasha u diyaargarowga fatahaadaha, loona sahmiyo habab maalgelin oo lagu taageero bulshooyinka nugul ee ay saameyn karaan masiibooyinka dabiiciga ah.

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurba-joogta ay ka qaadan karaan taageeridda gurmadka degdegga ah iyo caawinta bulshooyinka ay saameeyaan masiibooyinka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa isaguna xusay baahida loo qabo in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha dowladda, deeq-bixiyeyaasha, iyo hay’adaha samafalka si kor loogu qaado u diyaargarowga musiibooyinka loona xaqiijiyo in gargaar degdeg ah oo waqtigiisa ku habboon la gaarsiiyo bulshada ay saameeyaan fatahaadaha iyo masiibooyinka kale.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Soomaaliya ay ku xoojinayso ka hortagga iyo u diyaar-garowga musiibooyinka, gaar ahaan iyadoo la filayo roobabka Deyrta oo inta badan sababa fatahaado iyo barakac ka dhaca qaybo badan oo dalka ka mid ah.

XIGASHO:SONNA