Dalalka Islaamka qeybtood oo Arbacada soomman, halka kuwo kuwo kalena ay maalin ka dambeeyaan
Sacuudi Carabiya, Qatar, Imaaraadka Carabta, Kuwait, Baxreyn, Falastiin, Suudaan iyo Jabuuti ayaa bilaabaya soonka Arbacada halka Turkiga, Masar, Suuriya, Urdun, Cumaan, Indonesia, Malaysiya, Pakistan iyo Iiraan ay bilaabayaan Khamiista.
Qeyb ka mid ah dalalka Islaamka ayaa Arbacada soomman iyadoo ay u tahay koowda bisha barakeysan ee Ramadaan, halka kuwo kalena ay bilaabi doonaan soonka maalin kadib.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in fiidnimadii Talaadada la arkay bilashada Ramadaan, isla markaana soonku uu bilaaban doono Arbacada.
Hay’adaha diinta ee Qatar, Imaaraadka Carabta, Kuwait, Baxreyn, Falastiin, Suudaan, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay in Arbacadu noqon doonto maalinta koowaad ee Ramadaan.
Sidoo kale, Golaha Sunni Endowment Diwan ee Ciraaq ayaa ku dhawaaqay in Ramadaan la soomi doono Arbacada. Shiicada Ciraaq ayaa iyaguna bilaabi doona bisha soonka Arbacada.
Kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen ayaa iyaduna sheegtay in soonka Ramadaan uu ka bilaaban doono Arbacada meelaha ay maamulaan.
Ramadaan ayaa sidoo kale Arbacada uga bilaaban doonta Muslimiinta Sunniga ah ee Lubnaan, sida uu sheegay Muftiga Guud Sheekh Cabdul Latif Derian.
Dhanka kale, Masar ayaa bisha barakeysan ee Ramadaan u bilaabi doonta Khamiista, maadaama aan la arkin bilashada fiidnimadii Talaadada, sida uu sheegay Muftiga Guud ee dalka, Nazir Ayyad.
Hay’adaha diinta ee Urdun, Suuriya, Indonesia, Pakistan, Iiraan, Tuniisiya, Aljeeriya iyo Malaysiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in bisha barakeysan ay bilaaban doonto Khamiista.
Muslimiinta ku nool Turkiga, Cumaan, Singapore iyo Australia ayaa bilaabi doona soonka Ramadaan Khamiista kadib markii masuuliyiintu xaqiijiyeen bilowga bisha iyaga oo ku saleynaya xisaabaadka xiddigiska.
Morooko iyo Mauritaaniya ayaa Arbacada arki doona bilashada Ramadaan si loo go’aamiyo bilowga bisha soonka.
Ramadaan waa bisha sagaalaad ee kalandarka dayaxa ee Islaamka.
Iyadoo dalal qaar ay ku tiirsan yihiin aragtida bilashada ee maxalliga ah, kuwo kale ayaa si isa soo taraysa u adeegsada xisaabaadka xiddigiska si loo go’aamiyo bilowga bisha, gaar ahaan marka xogta sayniska ay xaqiijiso inaanay suurtagal ahayn in bilasha si indhaha ah loo arko.