Qiyaastii kala bar nidaamyada ridista gantaallada ee Iiraan ayaa weli shaqeynaya, iyagoo weli haysta kumannaan diyaarado aan duuliye lahayn, inkastoo toddobaadyo duqeymo joogto ah ay ku hayeen Maraykanka iyo Israa’iil bartilmaameedyada militari, sida ay muujinayaan qiimeynno sirdoon oo Maraykan ah oo uu xusay CNN.
Saddex il oo xog ogaal u ah qiimeynta ayaa sheegay in Iiraan ay weli haysato awood weerar oo muhiim ah.
“Weli si buuxda ayay u diyaar u yihiin inay qalqal weyn ka abuuraan guud ahaan gobolka,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha.
Qiyaasahan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ku jiraan qalabyo ridista oo hadda aan la adeegsan karin, sida kuwa lagu aasay dhulka hoostiisa duqeymo cirka ah balse aan si buuxda loo burburin.
Sirdoonku wuxuu muujinayaa in qiyaastii kala bar awoodda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, oo gaareysa kumannaan, ay weli bed qabaan oo weerar diyaar yihiin.
Waxay sidoo kale ogaadeen in gantaallo badan oo nooca difaaca xeebaha ee cruise ah ee Iiraan aan si weyn loo wiiqin.
Arrintan waxay la jaanqaadaysaa istaraatiijiyadda Maraykanka ee ah inaan mudnaanta la siin kaabayaasha militari ee xeebaha intii lagu jiray ololaha duqeynta, inkastoo bartilmaameedyo badeed qaarkood la weeraray. Gantaalladan ayaa ah hanti muhiim u ah Iiraan, maadaama ay awood u siiyaan inay halis geliso maraakiibta maraya marin-biyoodka Hormuz.
Xogaha sirdoonka ee ugu dambeeyay ayaa soo bandhigaya aragti dheellitiran oo ku saabsan awoodda militari ee hartay ee Iiraan, taasoo ka duwan sheegashooyinka guusha ee si ballaaran u sheegtaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo maamulkiisa.
Khudbad uu jeediyay fiidnimadii Arbacadii, Trump ayaa sheegay in awoodda Iiraan ee ridista gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si weyn loo yareeyay, isagoo intaas ku daray in xarumaha hubka iyo nidaamyada ridista la burburinayo, isla markaana ay aad u yar yihiin kuwa haray.
Ilaa Arbacadii, Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay in ciidamada Maraykanku ay garaaceen in ka badan 12,300 bartilmaameed gudaha Iiraan tan iyo bilowgii howlgalka Operation Epic Fury ee 28-kii Febraayo.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay wiiqeen awoodda militari ee Iiraan isla markaana ay dileen hoggaamiyeyaal sare, oo ay ku jiraan Hoggaamiyihii Sare Ayatollah Cali Khamenei iyo Cali Larijani, oo madax u ahaa Golaha Amniga Qaranka ee Iiraan.
Inkasta oo khasaarahaas jira, sirdoonku wuxuu muujinayaa in Iiraan ay weli haysato kayd weyn oo gantaallo ah iyo kaabayaal ridis oo weli shaqeynaya.



















