| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Turkiga oo wadahadal ka yeeshay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee difaaca iyo amniga.
Soomaaliya iyo Turkiga oo wadahadal ka yeeshay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga
Soomaaliya iyo Turkiga oo wadahadal ka yeeshay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Talaadadii xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo dhisidda awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, horumarradii iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay, iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dal si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee walaaltinimo ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan doorka muhiimka ah ee Dowladda Turkigu ka qaadato dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, horumarinta hay’adaha difaaca iyo xoojinta awoodda Soomaaliya ee ilaalinta madaxbannaanideeda iyo amniga qaranka.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkigu yahay saaxiib istaraatiijiyadeed oo muhiim u ah Soomaaliya, isla markaana iskaashiga labada dal uu ku dhisan yahay walaaltinimo, kalsooni, is-ixtiraam iyo aragti fog oo ay wadaagaan oo ku saabsan danahooda guud.

Kulankan ayaa mar kale muujiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sida ay labada dal uga go’an tahay sii xoojinta iskaashigooda istaraatiijiyadeed, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.

XIGASHO:SONNA