| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
DFS oo Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xamuud u magacowday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Golaha Wasiirrada ayaa ku adkeeyay in hoggaanka cusub ee Ciidanka Asluubta uu leeyahay khibrad ku filan oo lagu xaqiijin karo howlahaas, isla markaana uu ka qeyb qaadan doono xoojinta nidaamka caddaaladda iyo xasilloonida dalka.
DFS oo Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xamuud u magacowday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xamuud inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed / User Upload
9 saacadood ka hor

Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xamuud inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Go’aankan oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda iyo xabsiyada dalka.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka qaata amniga guud ee dalka. Magacaabista Jeneraal Xamuud ayaa lagu doonayaa in lagu horumariyo howlaha xabsiyada, la xoojiyo nidaamka amniga, isla markaana la hubiyo in si buuxda loo raaco shuruucda federaalka.

Dowladda ayaa sidoo kale u aragta in xoojinta kaabayaasha xabsiyada iyo tayeynta shaqada ciidanka ay ka hortagi karto khataraha amni ee ka dhalan kara gudaha xarumaha lagu hayo maxaabiista.

Magacaabistan ayaa sidoo kale la xiriirta howlgalada socda ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta. Iyadoo ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga ay gacanta ku dhigayaan dagaalyahanno iyo xubno ka goosta kooxahaas, waxaa loo baahan yahay nidaam xabsi oo awood leh si loo maareeyo loona mariyo habraacyada sharciga.

XIGASHO:SONNA