Shirka Isbeddelka Waxbarashada Banaadir 2026 ayaa lagu soo gabagabeeyay ballanqaad cusub oo lagu dardargelinayo dib-u-habaynta waxbarashada, iyadoo la xoojinayo iskaashiga, qorsheynta ku saleysan cilmi-baarista iyo horumarinta natiijooyinka waxbarashada.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa isugu yimid khubaro dhanka waxbarashada ah, cilmi-baarayaal, maamulayaasha dugsiyada, macallimiin iyo bahwadaagta horumarinta si ay u qiimeeyaan caqabadaha jira una soo jeediyaan xalal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo nidaamka waxbarashada ee Gobolka Banaadir.
Doodaha shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta maamulka dugsiyada, tayeynta manhajka, kor u qaadista tayada macallimiinta, horumarinta ardayda iyo xoojinta iskaashiga ka dhex jira waaxda waxbarashada. Daraasadaha lagu soo bandhigay shirka ayaa bixiyay talooyin gacan ka geysan doona dejinta siyaasadaha waxbarashada ee mustaqbalka iyo hagidda dadaallada dib-u-habaynta.
Shirka ayaa ku soo dhammaaday ballanqaad wadajir ah oo lagu hirgelinayo talooyinkii kasoo baxay si loogu beddelo tallaabooyin muuqda oo kor loogu qaadayo tayada, helitaanka iyo waxtarka waxbarashada, iyadoo la xoojinayo doorka waxbarashadu ku leedahay horumarka iyo barwaaqada mustaqbalka ee Gobolka Banaadir.























