Sacuudiga oo noqday dalkii ugu horreeyay ee ka soo jawaaba baaqa degdegga ah ee abaaraha Soomaaliya

Yaziid Cabdalla Xamuud ayaa sheegay in Sacuudigu uu mar walba garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay Boqortooyada ka go’an tahay inay sii waddo taageerada bani’aadamnimo ee ay u fidiso Soomaaliya.

By
Yaziid Cabdalla Xamuud oo ah agaasimaha xafiiska Afrika ee Hay'adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa booqasho ku tagey xafiiska Hay'adda SoDMA. / Others

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah uga jawaaba baaqa degdegga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay dalalka caalamka, xilli dalka uu wajahayo abaar culus oo saameysay bulshooyin aad u nugul.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan gaar ah oo uu Axaddii xarunta hay’adda kula yeeshay Yaziid Cabdalla Xamuud, oo ah Agaasimaha Xafiiska Afrika ee Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan. Kulanka waxaa lagu falanqeeyay xaaladda abaarta oo sii xumaaneysa iyo sida gurmad degdeg ah loo gaarsiin karo dadka ay saamaysay.

Intii lagu jiray kulanka waxaa lagu dhawaaqay in Sacuudi Carabiya ay ansixisay gargaar bini’aadamnimo oo degdeg ah oo la gaarsiin doono ku dhowaad 100,000 qof oo ka mid ah dadka ugu daran ee ay abaartu saameysay.

Yaziid Cabdalla Xamuud ayaa sheegay in Sacuudigu uu mar walba garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay Boqortooyada ka go’an tahay inay sii waddo taageerada bani’aadamnimo ee ay u fidiso Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa u mahadceliyay Sacuudiga, isagoo sheegay in gurmadkani uu xoojin doono dadaallada socda ee lagu caawinayo dadka abaartu saamaysay, isla markaana uu muhiim u yahay ka jawaabista baahiyaha degdegga ah ee shacabka Soomaaliyeed.