Guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI) ayaa Arbacadii magaalada Nairobi ku daahfuray mashruuca CAPSOM II, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo taageerada Soomaalida dib ugu soo laabanaysa dalka iyo awoodda mas’uuliyiinta dowladda ee qaabilsan dib-u-soo-laabashada iyo dib-u-dhexgalka bulshada.
Mashruucan ayaa lagu doonayaa in lagu horumariyo maareynta geeddi-socodka dib-u-soo-laabashada, isla markaana lagu taageero hadafka Soomaaliya ee ah in dadka dib ugu soo laabanaya dalka ay u soo laabtaan si ammaan ah oo sharaf leh. Waxaa mashruuca iska kaashanaya Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Sida), Hay’adda Socdaalka Sweden (SMA) iyo NCRI.
Mas’uuliyiin dowladeed, ururrada bulshada rayidka ah, Midowga Yurub iyo saaxiibada caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka, iyadoo ka qaybgalayaashu adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la helo nidaamyo waara oo lagu taageero Soomaalida dib u soo laabanaysa, oo ay ku jiraan helitaanka fursado shaqo.
Guddoomiyaha NCRI Liibaan Cabdi Cigaal ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in tababarrada mashruuca lagu xoojiyo xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha Guddiga. Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in mashruucu taageeri doono fursado shaqo oo loo abuurayo 300 oo Soomaali ah oo dalka dib ugu soo laabtay.























