Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Khamiistii si rasmi ah Aden Ali Mahamade ugu magacaabay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga dalkaas, kaddib wareegto ka soo baxday Madaxtooyada oo si degdeg ah u dhaqan-gashay.
Magacaabistan ayaa soo afjaraysa xil-bannaanidii Wasaaradda Gaashaandhigga oo aan wasiir rasmi ah lahayn tan iyo bishii Luulyo ee sannadkan, markaas oo wasiirkii hore, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, uu xaalad caafimaad ugu geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Diblumaasi loo xulay difaaca qaranka
Madaxtooyada Jabuuti ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in wasiirka cusub uu yahay diblumaasi khibrad qotodheer u leh xiriirka caalamiga ah iyo siyaasadda gobolka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa wareegto ku magacaabay Aden Ali Mahamade inuu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga. Wuxuu hore u soo noqday Agaasimaha Iskaashiga Caalamiga ah iyo Safiirka Jabuuti ee Eritrea,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada.
Khibradda diblumaasiyadeed ee uu xanbaarsan yahay Wasiir Mahamade ayaa la rumeysan yahay inay gacan weyn ka geysan doonto isku-xirka siyaasadda difaaca iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga ee dalalka deriska ah.
Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo Jabuuti ay door udub-dhexaad ah kaga jirto ilaalinta amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Wasiirkii hore
Wasiirka cusub ayaa la wareegaya mas'uuliyadda wasaarad culus oo uu hore u maamuli jiray marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan tan iyo sannadkii 2019.
Burhaan, oo xilka sii hayay kaddib dib-u-doorashadii Madaxweyne Geelle, ayaa ahaa shakhsi miisaan weyn ku dhex lahaa xukuumadda, isagoo sidoo kale horay usoo qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ka hor inta aan loo dhiibin hoggaaminta ciidamada iyo difaaca dalka.























