| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Doorashada Saambiya: Madaxweyne Hichilema oo ku wajahan muddo-xileedkiisa labaad
Hichilema, oo 64 jir ah, kana sharraxan xisbiga talada haya ee United Party for National Development (UPND), ayaa ilaa hadda helay 1,544,140 cod
Doorashada Saambiya: Madaxweyne Hichilema oo ku wajahan muddo-xileedkiisa labaad
Madaxweynaha dalka Saambiya, Hakainde Hichilema / Others

Madaxweynaha Saambiya, Hakainde Hichilema, ayaa Axaddii hoggaan ballaaran u qabtay tartanka doorashada madaxtinimada dalkaas, isagoo helay in ka badan 1.5 milyan oo cod kadib markii la tiriyay codadka 135 ka mid ah 226-ka deegaan-doorasho.

Hichilema, oo 64 jir ah, kana sharraxan xisbiga talada haya ee United Party for National Development (UPND), ayaa ilaa hadda helay 1,544,140 cod.

Wuxuu in ka badan 500,000 oo cod ka horreeyaa musharraxa ku soo xiga ee Brian Mundubile, oo ka socda xisbiga National Reconciliation Party for Unity and Prosperity (NRPUP), kaas oo isna helay 1,030,662 cod.

Tartankan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalaya 12 musharrax oo kale.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Saambiya (ECZ), Mwangala Zaloumis, ayaa natiijooyinkan hordhaca ah lagaga dhawaaqday Xarunta Natiijooyinka Doorashooyinka Qaranka ee caasimadda Lusaka, abbaare 21:30 GMT.

Hichilema oo ah dhaqaaleyahan iyo xoolo-dhaqato, ayaa haddii uu guuleysto helaya muddo-xileedkiisii labaad, taas oo uu sheegay inay siin doonto fursad uu ku xoojiyo qorshayaashii uu bilaabay xilligiisii koowaad ee 2021, markaas oo uu in ka badan hal milyan oo cod kaga adkaaday madaxweynihii xilka hayay ee Edgar Lungu.

Wuxuu guulihiisa ilaa hadda ku tilmaamay dib-u-qaabeynta deynta xad-dhaafka ah ee dalka, soo nooleynta waaxda macdanta, iyo kordhinta taageerada bulshada sida waxbarashada bilaashka ah ee ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe ee dowladda.

Dhinaca kale, Mundubile oo ah 55 jir qareen ah, ayaa isbahaysigiisa mucaaradku waxa uu ku guuleystay kuraas baarlamaan, gaar ahaan deegaan-doorashooyinka ku teedsan magaalooyinka waaweyn ee isku xira Lusaka iyo gobolka Copperbelt.

Sida uu qabo dastuurka dalka Saambiya, musharraxa madaxtinimada waa inuu helo in ka badan 50% codadka la dhiibtay ee ansaxa ah, si loogu dhawaaqo inuu yahay madaxweynaha la doortay.

Haddii uusan jirin musharrax gaaray heerkaas wareegga koowaad, waxaa doorasho ku-celis ah loo qaban doonaa musharraxiinta ugu codadka badan.

 

XIGASHO:َAA