Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku qaabilay ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay doorkeeda muhiimka ah ee dib u dhiska iyo soo kabashada dalka.
Dhankiisa, Zenenga ayaa bogaadiyay horumarka socda ee dowladda Soomaaliya wuxuuna dib u xaqiijiyay ballanqaadka Qaramada Midoobay ee ah inay taageerto mudnaanta dhismaha dowladnimada iyo horumarinta dalka.