| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ciidanka Suudaan oo sheegay inuu jebiyay go’doomintii RSF ee magaalada Koonfurta Kordofan
Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inuu jebiyay go’doomin muddo dheer saarneyd magaalada Dilling ee Koonfurta Kordofan, halkaas oo maleeshiyada RSF ay cunaqabatayn saareen magaalada in ka badan hal sano iyo bar.
Ciidanka Suudaan oo sheegay inuu jebiyay go’doomintii RSF ee magaalada Koonfurta Kordofan
Ciidanka Suudaan iyo maleeshiyada RSF ayaa dagaallamayey tan iyo bartamihii Abriil 2023. / AA
27 Janaayo 2026

Ciidanka Suudaan ayaa Isniintii sheegay in uu jebiyay go’doomin muddo dheer saarneyd magaalada Dilling ee Koonfurta Kordofan, halkaas oo ciidamo hubeysan ay cunaqabayn saareen magaalada in ka badan hal sano iyo bar.

Tan iyo Abriil 2023, Suudaan waxaa ragaadiyay dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda iyo xoogagga hubeysan ee Rapid Support Forces (RSF), kaas oo sababay dhimashada tobanaan kun oo qof.

Dagaalka ayaa sidoo kale barakiciyay ku dhowaad 11 milyan oo qof, wuxuuna kiciyay waxa Qaramada Midoobay ku tilmaantay qalalaasaha barakaca iyo gaajada ee ugu weyn dunida.

Bayaanka ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay “ku guuleysteen furitaanka waddada Dilling kaddib hawlgal milatari oo guuleystay,” iyagoo ku andacoonaya inay RSF gaarsiiyeen “khasaaro culus.”

Horumarka ciidanka

Horumarka ay sameeyeen ciidanka ayaa xaqiijiyay gacan ku haynta marinada woqooyi iyo koonfur ee laga galo Dilling.

Dadaalka ka socda agagaarka Dilling ayaa imaanaya xilli ciidanku isku dayayaan inay joojiyaan horumar ay xoogagga hubeysan ka sameynayaan guud ahaan gobolka Kordofan.

RSF, oo ay taageerayaan garabka Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan – Waqooyi ee uu hoggaamiyo Abdelaziz al-Hilu, ayaa u weecday dhanka bariga kaddib markii ay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay qabsadeen saldhiggii ugu dambeeyay ee ciidanka ee Galbeedka Darfur.

Tan iyo markaas, kooxda hubeysan ayaa sii haystay Galbeedka Kordofan, waxayna la wareegtay Heglig oo ah hoyga goobta shidaalka ugu weyn Suudaan, sidoo kalena way adkeeyeen go’doominta Kadugli oo ay gaajo ka jirto, taas oo ah caasimadda Koonfur Kordofan.

Kumannaan ka barakacay Kordofan

In ka badan 65,000 qof ayaa ka barakacay gobolka Kordofan tan iyo Oktoobar, sida ay muujinayaan tirakoobkii ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay.

Qiimeyn ay Qaramada Midoobay taageertay sanadkii hore ayaa horey u xaqiijisay in gaajo ka jirto Kadugli, oo ay RSF go’doomin ku hayeen in ka badan hal sano iyo bar.

Qiimeynta ayaa sheegtay in xaaladda Dilling ay u badan tahay inay la mid tahay, balse arrimo amni iyo marin la’aan dartood aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin.

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale
Dhuusamareeb: Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo ku heshiiyay mideynta Qorshaha Tamarta
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan sumcadda caasimadda Muqdisho
Bangiga Dhexe ee Kenya oo digniin culus kasoo saaray "Ubaxyada Lacagta" iyo waxyeeleynta lacagta
Soomaaliya oo ka qayb gashay furitaanka Kalfadhigii 158-aad ee Golaha Fulinta ee WHO: Geneva
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeelatay wakiillada ururrada bulshada rayidka ah
RW Xamsa iyo Danjiraha Shiinaha oo ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo fowdo dhacday awgeed hakiyay fadhiyada wadajirka ah ee Baarlamaanka
Diyaarado siday ciidamo amni oo ka socda maamul-goboleedyada oo loo diiday inay ka degaan Muqdisho
13 xubnood oo ka tirsan al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Soomaaliya
Ergada joogtada ah ee Soomaaliya ee QM oo New York ku qabatay casho sharaf diblomaasiyadeed
Wasiirka Dekedaha oo bogaadiyay ansixinta Xeerka Diiwaangelinta Gaadiidka Badda
New Delhi: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Hindiya
Wasiir Saalim Caliyoow oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Suuqa Shaqada oo ka dhacay Sacuudiga
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo saxiixay maalgelin dhan €102 milyan ah si loo xoojinayo dawladda
Ecuador oo cambaareysay isku day xoog ku gal oo ciidan ka tirsan ICE uu ku sameeyay Qunsuliyaddeda
Guddiyada Farsamo ee Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay kulankoodii koowaad
Soomaaliya oo Jeneraal Ibraahim Maxamed u magacawday Taliyaha Ciidanka Xoogga
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirka 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Geeska Afrika: Muqdisho
Muqdisho: RW Xamsa oo Turkiga uga mahadceliyay garab-istaagga xilliyada adag
Mid ka mid ah masuuliyiinta maaliyadda ee Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya