Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin, ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo xiray Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya (SDRC 2026), oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen SoDMA iyo Jaamacadda Muqdisho, laguna qabtay halku-dhigga “ In laga Gudbo Musiibooyinka Soo Noqnoqda, loona Gudbo Adkeysi Waara, Mustaqbal Wanaagsan iyo Soo Kabasho Waarta oo Soomaaliya ka Hirgasha.”
Shirweynaha ayaa isu keenay wasiirro ka tirsan dowladda, hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah, ururrada bulshada rayidka ah, hoggaamiyeyaasha ganacsiga, culimada iyo khubarada maareynta musiibooyinka, si looga wada hadlo sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda dadaallada maareynta musiibooyinka, loo horumarin lahaa nidaamyada digniinta hore iyo u diyaar-garowga, loona dhisi lahaa awood waarta oo lagaga hortagi karo musiibooyinka, laguna yareyn karo saameyntooda.
Madaxweynaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta jaamacadaha, cilmi-baarayaasha iyo hay’adaha dowladda ee horumarinta xalal waara oo wax looga qabanayo musiibooyinka.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay daneeyayaasha inay cilmi-baarista, aqoonta iyo talooyinka ka soo baxay shirweynaha u beddelaan tallaabooyin muuqda oo horseeda xalal waara, isla markaana tusaale wanaagsan u noqda shirweynayaasha mustaqbalka.























