| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan La Qaatay Garsoorayaasha Maxkamadaha Degmooyinka Banaadir
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa la kulmay garsoorayaasha maxkamadaha degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo kala hadlay dardargelinta howlaha garsoorka, caqabadaha shaqo iyo horumarinta adeegyada caddaaladda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan La Qaatay Garsoorayaasha Maxkamadaha Degmooyinka Banaadir
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan La Qaatay Garsoorayaasha Maxkamadaha Degmooyinka Banaadir / SONNA

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ibraahim Iidle Suleymaan, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Saciid Cali Maxamed, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay garsoorayaasha maxkamadaha degmooyinka Gobolka Banaadir, si looga wada hadlo dardargelinta howlaha garsoorka, qiimeynta caqabadaha horyaalla maxkamadaha degmooyinka iyo xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Maxkamadda Sare iyo maxkamadaha heer degmo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo furay kulanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay maxkamadaha degmooyinku u leeyihiin bulshada, maadaama ay yihiin goobaha ugu horreeya ee dadweynuhu ka helaan adeegyada garsoorka. Wuxuu sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo ilaalinta hufnaanta, caddaaladda, anshaxa garsoorka iyo mas’uuliyadda ka saaran garsoorayaasha u adeegidda bulshada.

Intii uu kulanku socday, garsoorayaasha ayaa soo bandhigay caqabadaha horyaalla maxkamadaha degmooyinka, oo ay ka mid yihiin qalab-yaraan, xaalado shaqo oo aan ku filneyn, caqabado la xiriira miisaaniyadda iyo howlgalka, dacwado badan oo maxkamadaha yaalla iyo baahida loo qabo tababarro joogto ah iyo horumarinta xirfadaha garsoorayaasha.

Doodaha ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xoojinta wada shaqeynta hay’adaha garsoorka iyo amniga, hagaajinta daryeelka iyo xaaladaha nololeed ee garsoorayaasha, iyo dardargelinta xallinta khilaafaadka si waafaqsan sharciga.

Gabagabadii kulanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa uga mahadceliyay garsoorayaasha ka qeybgalka kulanka iyo soo bandhigista xaaladaha shaqo iyo caqabadaha horyaalla maxkamadaha degmooyinka. Wuxuu u xaqiijiyay in la tixgelin doono walaacyada iyo talooyinka ay soo jeediyeen, isagoo garsoorayaasha ku boorriyay inay xoojiyaan hufnaanta, isla-xisaabtanka, anshaxa shaqada iyo wada shaqeynta, si loo horumariyo adeegyada garsoorka loona ilaaliyo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha caddaaladda dalka.

XIGASHO:SONNA