| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
CXDS oo Bartilmaameedsaday Unug Al-Shabaab u Qaabilsanaa Qaraxyada oo ku Sugnaa Jubbada Hoose
Ciidanka Kumaandooska Danab oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka Harboole ee degmada Afmadow, iyagoo burburiyay unug Al-Shabaab u qaabilsanaa diyaarinta iyo aasidda miinooyinka iyo walxaha qarxa.
CXDS oo Bartilmaameedsaday Unug Al-Shabaab u Qaabilsanaa Qaraxyada oo ku Sugnaa Jubbada Hoose
CXD oo Bartilmaameedsaday Unug Al-Shabaab u Qaabilsanaa Qaraxyada oo ku Sugnaa Jubbada Hoose / SONNA

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka, ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa burburiyay unug Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada, kaas oo diyaarinayay kuna aasayay waddooyinka miinooyin iyo walxaha qarxa oo lagu bartilmaameedsanayay gaadiidka rayidka.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda hawlgal ee Al-Shabaab, lagu ilaalinayo rayidka laguna xaqiijinayo isu-socod ammaan ah oo ka jira gobolka.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA