| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Dufcaddii afaraad ee ciidamada booliska Kenya oo ka soo laabtay hawlgalkii dalka Haiti
Saraakiishan ayaa loo diray dalkaas si ay Booliska Qaranka ee Haiti uga taageeraan hawlgallada ka dhanka ah rabshadaha kooxaha burcadda, ilaalinta kaabeyaasha muhiimka ah, iyo gacan ka gaysashada xasilinta nidaamka guud.
Dufcaddii afaraad ee ciidamada booliska Kenya oo ka soo laabtay hawlgalkii dalka Haiti
Dufcaddii afaraad ee ciidamada booliska Kenya oo ka soo laabtay hawlgalkii dalka Haiti / Social Media

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dufcaddii afaraad ee ciidamada booliska ay dib ugu soo laabteen dalkooda, kaddib markii ay dhammaysteen waajibaadkoodii shaqo ee dalka Haiti. Ciidamadan ayaa qayb ka ahaa hawlgal caalami ah oo ujeeddadiisu tahay soo-celinta amniga dalkaas ku yaalla badda Karibiyaanka ee ay kooxaha burcadda ahi aafeeyeen.

Ciidamadan oo ka kooban 150 sargaal, kana tirsan Hawlgalka Taageerada Amniga ee Caalamiga ah (MSS) ee ay Kenya hoggaamiso, ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Taliyaha Guud ee Booliska Kenya, Douglas Kanja, iyo saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan laamaha ammaanka.

Saraakiishan ayaa loo diray dalkaas si ay Booliska Qaranka ee Haiti uga taageeraan hawlgallada ka dhanka ah rabshadaha kooxaha burcadda, ilaalinta kaabeyaasha muhiimka ah, iyo gacan ka gaysashada xasilinta nidaamka guud.

Mas’uuliyiinta dowladda Kenya ayaa sheegay in ciidamada soo laabtay ay dhammaysteen waqtigii shaqo ee loogu talagalay, iyagoo ku tilmaamay shaqadii ay qabteen mid xirfadaysan oo asluub iyo nidaam leh.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa mar kale xaqiijiyay in xukuumadda Nairobi ay ka go’an tahay sii wadidda Hawlgalka MSS, kaas oo loo arko dadaal caalami ah oo fure u ah xoojinta xaaladda amni ee aadka u jilicsan ee dalka Haiti.

Ciidamadan soo laabtay ayaa waxaa safarkooda ku wehliyay saraakiil sarsare oo ka tirsan laamaha amniga Kenya, kuwaas oo horay ugu safray dalka Haiti si ay wada-hadallo ula yeeshaan mas’uuliyiinta maxalliga ah ee dalkaas.

Hawlgalka MSS oo ay taageerto Hay’adda Qaramada Midoobay, ayaa qayb ka ah dadaallo caalami ah oo ballaaran oo wax looga qabanayo amni-darrada sii kordhaysa ee dalka Haiti, halkaas oo kooxo hubaysan ay gacan-ku-hayntooda ku ballaariyeen qaybo badan oo ka mid ah caasimadda Port-au-Prince iyo deegaannada ku xeeran.

Dowladda Kenya ayaa door hormuud ah ka qaadatay hawlgalkan, arrintaas oo ay ku muujinayso kaalinteeda ku aaddan ka-qayb-qaadashada dadaallada nabad-ilaalinta iyo xasilloonida caalamka ee ka baxsan xuduudaha qaaradda Afrika.