Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Arbacadii la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada socda ee Dowladda ee la dagaallanka argagixisada, guulihii dhawaan la gaaray, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga dalka.
SHEEKOOYIN KALE
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo mowqifkeeda aan isbeddelin ee ay ku taageerto midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
XIGASHO:SONNA























