Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo 4-tii Sebtembar ay ciidamada dowladda ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay, kaas oo lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu xusay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada Kumaandooska ee Danab. Sagaal (9) ka mid ah xubnaha la dilay ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen ilaaladii gaarka ahayd ee la socotay horjoogayaasha kooxda.
Wasaaradda ayaa soo bandhigtay magacyada iyo xilalka shan horjooge oo sare oo howlgalka lagu dilay, kuwaas oo kala ah:
Bishaar Maxamed Muqtaar (Sheekh Bishaar): Wuxuu ahaa qaadiga Al-Shabaab ee gobolka Gedo, isagoo horay xilal noocan ah uga soo qabtay gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose. Wuxuu door weyn ku lahaa fulinta xukunno sharci-darro ah iyo cabsi-gelinta shacabka.
Cali Nuur Maxamed Idiris: Wuxuu ahaa sargaal hoggaaminayay cutubyo dagaal, kana mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa maleeshiyaadka Gobolka Bay. Wuxuu qayb ka ahaa abaabulka iyo fulinta weerarro dhowr ah oo lagu qaaday magaalada Baydhabo.
Xuseen Xasan Daahir (Lahelow): Wuxuu kooxda u qaabilsanaa hoggaaminta iyo isku-dubbaridka dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka hubaysan ee Gobolka Bay.
Nuur Cabdullaahi Xaashi (Sudeysi): Wuxuu ahaa madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Bay.
Cumar Xasan Xuseen: Wuxuu isna ka tirsanaa shabakadaha fuliya qaraxyada ee kooxda.
Dhanka kale, howlgalka waxaa lagu dhaawacay horjoogayaal kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Jacfar Abuu Xamsa, oo lagu tilmaamay madaxii Al-Shabaab ee Gobolka Bay, iyo Xasan Ibraahim, oo ka tirsanaa waaxda maaliyadda iyo ururinta dhaqaalaha ee kooxda.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa howlgalkan ku sifeysay mid wiiqay awooddii hoggaamineed iyo tii abaabul ee Al-Shabaab ee Gobolka Bay, gaar ahaan shabakadaha qaraxyada. Waxayna dowladda Soomaaliya ku celisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah horjoogayaasha iyo dagaalyahannada kooxda, si loo daciifiyo awooddooda loona soo celiyo amniga dalka.


























