| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada horjoogayaal lagu dilay Gobolka Bay
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu xusay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada Kumaandooska ee Danab
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada horjoogayaal lagu dilay Gobolka Bay
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi / Others

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo 4-tii Sebtembar ay ciidamada dowladda ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay, kaas oo lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu xusay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada Kumaandooska ee Danab. Sagaal (9) ka mid ah xubnaha la dilay ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen ilaaladii gaarka ahayd ee la socotay horjoogayaasha kooxda.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay magacyada iyo xilalka shan horjooge oo sare oo howlgalka lagu dilay, kuwaas oo kala ah:

  • Bishaar Maxamed Muqtaar (Sheekh Bishaar): Wuxuu ahaa qaadiga Al-Shabaab ee gobolka Gedo, isagoo horay xilal noocan ah uga soo qabtay gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose. Wuxuu door weyn ku lahaa fulinta xukunno sharci-darro ah iyo cabsi-gelinta shacabka.

  • Cali Nuur Maxamed Idiris: Wuxuu ahaa sargaal hoggaaminayay cutubyo dagaal, kana mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa maleeshiyaadka Gobolka Bay. Wuxuu qayb ka ahaa abaabulka iyo fulinta weerarro dhowr ah oo lagu qaaday magaalada Baydhabo.

  • Xuseen Xasan Daahir (Lahelow): Wuxuu kooxda u qaabilsanaa hoggaaminta iyo isku-dubbaridka dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka hubaysan ee Gobolka Bay.

  • Nuur Cabdullaahi Xaashi (Sudeysi): Wuxuu ahaa madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Bay.

  • Cumar Xasan Xuseen: Wuxuu isna ka tirsanaa shabakadaha fuliya qaraxyada ee kooxda.

Dhanka kale, howlgalka waxaa lagu dhaawacay horjoogayaal kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Jacfar Abuu Xamsa, oo lagu tilmaamay madaxii Al-Shabaab ee Gobolka Bay, iyo Xasan Ibraahim, oo ka tirsanaa waaxda maaliyadda iyo ururinta dhaqaalaha ee kooxda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa howlgalkan ku sifeysay mid wiiqay awooddii hoggaamineed iyo tii abaabul ee Al-Shabaab ee Gobolka Bay, gaar ahaan shabakadaha qaraxyada. Waxayna dowladda Soomaaliya ku celisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah horjoogayaasha iyo dagaalyahannada kooxda, si loo daciifiyo awooddooda loona soo celiyo amniga dalka.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga iyo Deeqaha Waxbarasho
Soomaaliya oo Haysa Jidka Kobaca Dhaqaalaha Inkastoo ay Jiraan Caqabado Caalami ah: Wasiir Biixi
Madaxda Afrika oo Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya