| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Batroolka: Waxaan gaarnay xilligii aan soo saari lahayn kheyraadkeenna dabiiciga ah
Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadan ay muujinayso soo kabashada Soomaaliya iyo ku soo laabashadeeda si rasmi ah uga faa’iideysiga kheyraadkeeda dabiiciga ah si sharci ah oo hufan.
Wasiirka Batroolka: Waxaan gaarnay xilligii aan soo saari lahayn kheyraadkeenna dabiiciga ah
Wasiirka Batroolka: Waa maalin taariikhi ah oo aan gaarnay xilligii aan soo saari lahayn kheyraadkeenna dabiiciga ah / User Upload
16 Febraayo 2026

Wasiirka Batroolka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa ambabixii markabka qodista shiidaalka ee dekedda Mersin, Turkiga, ku wajahan badda Soomaaliya ku tilmaamay “maalin weyn oo taariikhi ah”.

Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadan ay muujinayso soo kabashada Soomaaliya iyo ku soo laabashadeeda si rasmi ah uga faa’iideysiga kheyraadkeeda dabiiciga ah si sharci ah oo hufan.

“Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah. Waxay ka tarjumaysaa soo kabashada Soomaaliya iyo dib u dhiska mustaqbalkeeda iyadoo kalsooni ku wajahan barwaaqo,” ayuu yiri wasiirku. “Markabka maanta u amba baxaya biyaha Soomaaliya ma aha oo keliya qalab farsamo; waa astaan qaran — astaan rajo, fursad iyo bilow cusub oo ku dhisan sharciyad, hufnaan iyo mas’uuliyad.”

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya uu yahay hanti qaran, isagoo xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in si hufan oo caddaalad ah loo maareeyo, iyadoo la raacayo heerarka caalamiga ah si jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka ay uga wada faa’iideystaan.

Daahir Shire Maxamed ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaalida gudaha iyo dibaddaba inay muujiyaan midnimo iyo taageero ku aaddan dadaallada socda ee sahminta shidaalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u bixiyay magaca ceelka shidaalka ee ugu horreeya dalka, isaga oo ugu magac daray “Curadka Koowaad.”

Horumarkan ayaa calaamad u ah marxalad muhiim ah oo ka mid ah dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay uga faa’iideysato awooddeeda tamareed ee badda, taasoo qayb ka ah soo kabashada dhaqaale iyo dhismaha dowladnimada.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasiirka Tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo soo dhaweynta markabka Çağrı Bey
Indhaha caalamka oo ku sii jeeda Pakistan: Maraykanka iyo Iiraan oo u diyaar garoobaya wadaxaajood
Jaamacadda Ummadda oo heshiisyo istaraatiiji ah oo tacliimeed & tiknoolajiyadeed ka gaartay Shiinaha
Jabuuti oo qabatay doorashada madaxtinimo iyadoo Geelle la filayo inuu helo xilkiisii lixaad
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Tripoli si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah
Masar oo cambaareysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan, kuna eedeysay inay carqaladeynayso nabadda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gabagabeeyay kulamo dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Koonfur Galbeed
Maraakiib ku xaniban marinka Hormuz kadib amar ay Iiraan ku bixisay in ay soo maraan ciidanka badda
Trump oo sheegay in ciidamada Maraykanku sii joogi doonaan Iiraan ilaa heshiis dhab ah la hirgeliyo
“Xabbad-joojinta waa inay ku jirtaa Lubnaan,” Brussels ayaa tiri kadib weerarro ay fulisay Israa’iil
Iiraan oo sheegtay in Maraykanku “mabda’ ahaan” aqbalay qorshe nabadeed oo ka kooban 10 qodob
Soomaaliya oo taariikhda markii ugu horreysay fariisatay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika
Muqdisho: Qorshe qaran oo cusub oo loo dejiyay tayeynta iyo ballaarinta nidaamka caafimaadka dalka
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay mas’uuliyiin, ku baaqay dardargelinta horumarinta Baydhabo
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyay kulan looga hadlay amniga iyo horumarka Koonfur Galbeed
Trump oo oggolaaday inuu joojiyo weerarrada Iiraan muddo laba toddobaad ah
Maraakiibta ka gudbaysa marinka Hormuz oo kordhay maalmihii tagey tan iyo bilowgii dagaalka Iiraan
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyay kulan amni oo heer sare ah: Koonfur Galbeed
Soomaaliya: Rajo cusub oo curatay xilli markabka qodista shidaalka ee Turkiga uu ku dhow yahay dalka
Duqeymo ciidanka Soomaaliya ka fuliseen agagaarka Baydhabo oo lagu dilay 12 maleeshiyo Al-Shabaab ah