| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin ka Soo Saaray Super El Niño, Xilli Roobab Xooggan ay Da’ayaan
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa digniin ka soo saaray saameynta suurtagalka ah ee Super El Niño ee 20-ka degmo ee gobolka, xilli roobab xooggan ay ka da’ayaan qaybo ka mid ah Muqdisho.
Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin ka Soo Saaray Super El Niño, Xilli Roobab Xooggan ay Da’ayaan
Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin ka Soo Saaray Super El Niño, Xilli Roobab Xooggan ay ka Da’ayaan Muqdisho / SONNA

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa digniin ka soo saaray saameynta suurtagalka ah ee Super El Niño ee dhammaan 20-ka degmo ee gobolka Banaadir, xilli roobab xooggan iyo kuwa mahiigaan ah ay bilaabeen in ay saameeyaan qaybo ka mid ah Muqdisho.

Maamulka ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan bulshada deegaanka, isla markaana xoojiyaan u diyaar-garowga iyo tallaabooyinka gurmadka degdegga ah si wax looga qabto fatahaadaha iyo khataraha kale ee la xiriira cimilada.

Mas’uuliyiinta degmooyinka ayaa sidoo kale lagu amray inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladaha gurmadka, gaar ahaan deegaannada u nugul fatahaadaha, iyagoo la kaashanaya dadka deegaanka iyo hay’adaha ay khuseyso ee gurmadka.

Maamulka ayaa bulshada ugu baaqay inay feejignaadaan, la socdaan wararka rasmiga ah ee cimilada iyo digniinaha hore, isla markaana qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee taxaddarka inta ay xaaladaha roobabku socdaan.

XIGASHO:SONNA