| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Jabuuti Kaga Qaybgalaysa Shirweynaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD
Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada IGAD, kaas oo maanta ka dhacaya magaalada Jabuuti.
Soomaaliya oo Jabuuti Kaga Qaybgalaysa Shirweynaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD
Soomaaliya oo Jabuuti Kaga Qaybgalaysa Shirweynaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD / SONNA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD, kaas oo maanta lagu qabanayo magaalada Jabuuti.

Shirka ayaa lagu eegayaa xaaladda nabadda iyo amniga ee gobolka, iyadoo dalalka xubnaha ka ah IGAD ay ka wada hadli doonaan arrimaha muhiimka ah ee la xiriira xasilloonida iyo iskaashiga Geeska Afrika.

Sidoo kale, ajandaha kulanka waxaa qayb ka ah arrimo ku saabsan horumarinta iyo xoojinta hay’adaha IGAD, gaar ahaan sidii loo sii adkeyn lahaa heshiiska aasaasiga ah ee ururka iyo kaalinta uu ku leeyahay wax ka qabashada arrimaha gobolka.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso iskaashiga gobolka iyo wada-tashiga dalalka IGAD, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u siinaya Soomaaliya inay la falgasho dalalka kale ee gobolka, isla markaana ay ka qaybqaadato dadaallada lagu horumarinayo iskaashi iyo xalal wadajir ah oo wax looga qabanayo caqabadaha saameeya gobolka.

XIGASHO:SONNA