| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay hoggaanka cusub ee Shabakadda Qaranka ee Nabaddoonnada
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa qaabilay guddiga fulinta ee cusub ee Shabakadda Qaranka Madaxa-bannaan ee Nabaddoonnada (NIPN), iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta kalsoonida bulshada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay hoggaanka cusub ee Shabakadda Qaranka ee Nabaddoonnada
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay hoggaanka cusub ee Shabakadda Qaranka ee Nabaddoonnada

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddiga Fulinta ee cusub ee la doortay ee Shabakadda Qaranka Madaxa-bannaan ee Nabaddoonnada (NIPN).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waajibaadka shabakadda, gaar ahaan doorkeeda ku aaddan isku xirka nabaddoonnada Soomaaliyeed, xoojinta kalsoonida bulshada iyo taageeridda dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ay bulshooyinku hoggaaminayaan.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dib-u-dhiska kalsoonida ka dhexeysa bulshada iyo horumarinta dib-u-heshiisiintu ay weli udub-dhexaad u yihiin dadaallada Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta. Waxa uu sidoo kale mar kale xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in dadaalladan mudnaan gaar ah la siiyo.

Kulankan ayaa astaan u ah tallaabo loo qaaday hirgelinta waajibaadka NIPN, kaddib doorashadii Guddigeeda Fulinta.

XIGASHO:SONNA