| Somali
CAAFIMAADKA
3 daqiiqo akhris
Hay’adda Africa CDC oo ku dhawaaqday in la laalay xaaladdii degdegga aheyd ee busbuska mpox
Qaaddista xaaladda degdegga ah ma ahan dhammaadka cudurka busbuska mpox ee Afrika, ayuu yiri Jean Kaseya oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC).
Hay’adda Africa CDC oo ku dhawaaqday in la laalay xaaladdii degdegga aheyd ee busbuska mpox
Hay’adda Africa CDC oo ku dhawaaqday in la laalay xaaladdii degdegga aheyd ee busbuska Mpox ee qaaradda / AA
14 saacadood ka hor

Hay’adda Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC) ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in la laalay xaaladdii degdegga ahayd ee qaaradeed ee cudurka busbuska mpox (furuqa daanyeerka), kaddib markii la shaaciyay hal sano ka hor.

Go’aankan ayaa yimid kaddib talo ka soo baxday Guddiga La-talinta Degdegga ah ee Africa CDC, kaas oo kula taliya agaasimaha guud ee hay’adda arrimaha la xiriira mpox.

“Waxaan halkan ku ku dhawaaqayaa in la laalay xaaladdii degdegga aheyd ee busbuska mpox oo halis ku ahaa ammaanka caafimaadka ee Qaaradda Afrika. Go’aankani wuxuu ka tarjumayaa awoodda sii kordheysa ee Afrika u leedahay hoggaaminta jawaabaha adag ee caafimaadka dadweynaha, kuna saleysan hoggaan siyaasadeed oo xooggan, midnimo goboleed, iyo iskaashi caalami ah oo wax ku ool ah,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Africa CDC, Jean Kaseya.

Africa CDC ayaa ku dhawaaqday xaaladda degdegga ah ee mpox bishii Agoosto 2024, kaddib koror ballaaran oo kiisaska ah oo ka dhacay qaaradda.

Ugu yaraan 80,276 kiis oo la tuhunsan yahay iyo 1,340 dhimasho ah ayaa la diiwaangeliyay sannadkii 2024, taas oo ka dhigan in kiisasku ay ka bateen in ka badan shan jibaar, halka dhimashaduna ay laba jibaarantay marka la barbardhigo isla muddadii 2023.

Ku dhawaaqista xaaladda degdegga ah ayaa gacan ka geysatay isu keenidda dadaallo wadajir ah iyo maalgelin lagu xakameynayo faafitaanka cudurka.

Saaxiibada caalamiga ah ayaa ururiyay in ka badan hal bilyan oo doolar, waxay xoojiyeen kormeerka cudurrada ee ku saleysan bulshada, ballaariyeen awoodda shaybaarrada iyo baarista hidde-sideyaasha, waxayna gaarsiiyeen in ka badan shan milyan oo tallaal mpox ah 16 dal.

Sida ay sheegtay Africa CDC, dadaalladan ayaa keenay saameyn la cabbiri karo, iyadoo intii u dhexeysay xilliggii ugu sarreeyay ee faafitaanka horraantii 2025 iyo dhammaadkii 2025, kiisaska la tuhunsan yahay ay hoos u dhaceen 40 boqolkiiba, halka kiisaska la xaqiijiyay ay hoos u dhaceen 60 boqolkiiba.

Heerka dhimashada ee kiisaska la tuhunsan yahay ayaa hoos uga dhacay 2.6 boqolkiiba ilaa 0.6 boqolkiiba, taas oo ka tarjumaysa horumar ku yimid ogaanshaha, daryeelka, isku-duwidda iyo isla xisaabtanka dhammaan heerarka jawaabta.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ahayd dalka ugu saameynta badan, iyadoo laga diiwaangeliyay 96 boqolkiiba kiisaska la soo sheegay iyo 97 boqolkiiba dhimashada.

Si kastaba ha ahaatee, Kaseya ayaa sheegay in qaadista xaaladda degdegga ah aysan micnaheedu ahayn dhammaadka mpox ee Afrika.

“Halkii, waxay muujinaysaa u gudbidda jawaab degdeg ah una guuridda hannaan waara oo ay hoggaaminayaan dalalka, laguna wajahayo dabar-goynta cudurka. Mpox weli waa cudur ka jira deegaanno badan, waxaana lama huraan ah in la muujiyo feejignaan joogto ah, maalgelin gaar ah iyo hal-abuur si loo xoojiyo guulaha la gaaray loogana hortago inuu dib u soo laabto,” ayuu yiri.

XIGASHO:AA