| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Tobannaan kun oo qof oo Istanbul ku mudaharaaday taageerada Falastiin
Isu-soo-baxa “Ma Aamusayno” oo ay hoggaaminayeen culimo diimeed iyo hoggaamiyeyaal bulsho ayaa soo jiitay ka qeybgalayaal ka kala socday in ka badan 400 urur oo bulshada rayidka ah.
Tobannaan kun oo qof oo Istanbul ku mudaharaaday taageerada Falastiin
Ka-qaybgalayaashu waxay lulayeen boorar ay ku qornaayeen “Caddaalad ha hesho Falastiin,” iyo hal-ku-dhegyo ka dhan ah falalka Israa'iil. / TRT World
1 Janaayo 2026

Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay guud ahaan magaalada Istanbul si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Falastiin, iyagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalka lagu hayo Falastiiniyiinta.

Isu-soo-baxa oo cinwaankiisu ahaa “Ma Aamusayno, Mana Hilmaamayno Falastiin,” ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Isbahaysiga Samafalka iyo Madasha Rabitaanka Qaranka, waxaana ka qeyb galay in ka badan 400 oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ah.

Ka qeybgalayaasha ayaa maalintii Khamiistii ku billaabay ololahan ku tukashada salaadda Subax masaajidda waaweyn ee Istanbul, oo ay ka mid yihiin Masaajidka weyn ee Ayasofya, Sultanahmet, Fatih, Suleymaniye iyo Eminönü Yeni Cami. Kadibna, waxay u dhaqaaqeen dhanka Buundada Galata, iyagoo lulaya calamada Turkiga iyo Falastiin, xiran koofiyadaha astaanta u ah gobanimo doonka falastiin, isla markaana ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “Istanbul ilaa Qaza, kun salaan ayaan u diraynaa iska caabbinta” iyo “Xoraynta Falastiin.”

Bilal Erdogan, oo ah Guddoomiyaha Hay’adda İlim Yayma, ayaa la hadlay dadkii isu soo baxay, isagoo carrabka ku adkeeyay isgarab-istaagga sii kordhaya ee muwaadiniinta. “Sannad walba ka qeybgalka wuu sii ballaaranayaa, maanta na waxaan dareemeynaa xoogga qiyamkeenna wadajirka ah,” ayuu yiri, isagoo u duceeyey xorriyadda Falastiiniyiinta iyo Qudus.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaal kale oo bulsho iyo diimeed, oo ay ka mid yihiin Abdullah Ozdemir, madaxa laanta xisbiga AK Party ee Istanbul, iyo Abdullah Ceylan, Guddoomiyaha Ururka ONDER İmam Hatipliler, ayaa ka qeyb galay socodka.

Ka qeybgalayaashu waxay siteen boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay ka mid yihiin “Caddaalad u raadinta Falastiin, u hiilinta Dunida ee damiirka,” iyagoo marar badan ku dhawaaqayay erayo cambaareynaya falalka arxan-darrada ah ee Israa'iil. Mutadawiciin ayaa waddada ku qaybinayay shaah, shurbad iyo rooti simit ah.

Boolisku waxay adkeeyeen ammaanka waddooyinka socodka lagu marayay, balse qabanqaabiyeyaashu waxay sheegeen in isu-soo-baxu uu ahaa mid nabad ah oo muujinaya taageerada dadweynaha ee Falastiin.

Qaar badan oo ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaa muujiyay rajadooda ah in sannadka 2026 uu keeno caddaalad, nabad iyo dhammaadka dhibaatada Qaza, iyagoo mudaharaadka ku tilmaamay “farriin xooggan oo isgarab-istaag ah” oo ka timid Istanbul kuna wajahan dunida oo dhan.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Madasha Istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Afrika: Soomaaliya oo si mug leh uga qaybgashay
Turkiga oo martigeliyey wadahadal istiraatiiji ah oo uu la yeeshay dalal Afrikaan ah
Turkiga oo cambaareeyay weerar dhimasho sababay oo RSF ku qaadeen dad barakacayaal ah dalka Suudaan
Erdogan: Dhulgariirradii Turkiga ka dhacay 2023-kii ayaa sababay khasaare gaaraya $250 bilyan
Erdogan oo xusay sannad-guurada dhulgariirka sheegayna in Turkigu fuliyey ballanqaadkii dib-u-dhiska
Sida gaari cas oo ka yimid Azerbaijan uu u noqday astaanta midnimada Turkida ee dhulgariirkii 2023
Turkiga oo kordhiyay taageerada militari ee cirka iyo dhulka ee Soomaaliya ee dagaalka argagixisada
MW Erdogan oo dhiggiisa Masar Sisi hadyad ahaan u siiyay gaariga korontada ee Turkiga ee Togg
MW Erdogan iyo Amiir Bin Salmaan oo mar kale xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya
Turkiga oo ballanqaaday taageero dheeri ah oo uu la garab taagan yahay Suudaan
Shan qodob oo ka soo baxay safarkii MW Erdogan ee Boqortooyada Sacuudiga
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo todobaadkan booqasho ku tagaya Sacuudiga iyo Masar
Bariga Dhexe wuxuu u baahan yahay heshiis dhanka amniga ah oo loo dhan yahay: Wasiir Fidan
Ankara: Diblomaasiga ugu sarreeya Iran oo Turkiga u tegaya wadahadallo maalinta Jimcaha
Iskaashiga dhinaca badaha ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo sii xoogeysanaya
Turkiga oo ka taageeray Nigeria dadaallada la dagaallanka argagixisada: Erdogan
Fidan iyo wafdi ka socda Xamaas, oo ka wada hadlay nabadaynta Qaza iyo xaaladda bini'aadannimo
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga: Muqdisho
Turkiga oo gargaar bani’aadamnimo u diray Suuriya xilli ay weerarro ka wadaan YPG