| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Wasiiru-dowlaha UK ee Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay Wasiiru-dowlaha UK ee Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika, Kirsty McNeill, iyagoo ka wada hadlay mudnaanta ay wadaagaan iyo xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo UK.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Wasiiru-dowlaha UK ee Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika
MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay Wasiiru-dowlaha UK ee Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika, Kirsty McNeil.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Boqortooyada Ingiriiska ee Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika, Kirsty McNeill.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray mudnaanta ay wadaagaan labada dal iyo arrimaha ay danaha wadajirka ah ka leeyihiin, iyo sidoo kale fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u qiimeeya Boqortooyada Ingiriiska oo ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya kala shaqeeya horumarka dalka.

XIGASHO:SONNA