| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti
Wasiirka Waxbarashada Jabuuti ayaa Soomaaliya u yimid ka qaybgalka Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka, kaas oo diiradda saaraya tayeynta waxbarashada.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti
Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo soo dhaweeyey dhiggiisa Jabuuti Dr. Nabil Maxamed Axmed / User Upload
9 Febraayo 2026

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa si diirran xarunta wasaaradda ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dr. Nabiil Maxamed Axmed, iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo.

Dr. Nabil iyo wafdiga uu hoggaaminayo, oo kulanka ka hor si maqaam sare leh loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, ayaa Soomaaliya u yimid ka qaybgalka Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka, kaas oo diiradda saaraya tayeynta waxbarashada, xoojinta iskaashiga heer gobol iyo dardargelinta hirgelinta qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee waxbarashada Soomaaliya.

Dhanka kale wasiir Farah iyo dhiggiisa Jabuuti ayaa kulan ay yeesheen kaga wadahadlay xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee u dhexeeya dawladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo xoogga la saarayo tacliinta sare, cilmibaarista, wadaagidda khibradaha, iyo horumarinta guud ahaan tayada waxbarasho ee gobolka.

Kulankan iyo soo dhaweynta diirran ayaa muujinaysa xiriirka walaaltinimo ee xooggan iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo si rasmi ah Midowga Afrika ugu gudbisay Axdiga Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Madaxda Bangiga Adduunka iyo IMF
Soomaaliya oo qabatay kulan ku saabsan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah
Wasiir Israa’iili ah oo canaantay Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka kadib digniintiisii Daanta Galbeed
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Aliyev: Baku
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabisyo muhiim ah iyo xeerka cafiska guud
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulammo heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashi istaraatiiji ah
Wasiirka Beeraha oo bilaabay olole ballaaran oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Geelle oo mar kale loo doortay muddo xileedkiisii lixaad
Xuska Sannad-guuradii 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh: Geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa badbaadiyay 20 milyan
Wasiirka Tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo soo dhaweynta markabka Çağrı Bey
Indhaha caalamka oo ku sii jeeda Pakistan: Maraykanka iyo Iiraan oo u diyaar garoobaya wadaxaajood
Jaamacadda Ummadda oo heshiisyo istaraatiiji ah oo tacliimeed & tiknoolajiyadeed ka gaartay Shiinaha
Jabuuti oo qabatay doorashada madaxtinimo iyadoo Geelle la filayo inuu helo xilkiisii lixaad
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Tripoli si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah
Masar oo cambaareysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan, kuna eedeysay inay carqaladeynayso nabadda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gabagabeeyay kulamo dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Koonfur Galbeed
Maraakiib ku xaniban marinka Hormuz kadib amar ay Iiraan ku bixisay in ay soo maraan ciidanka badda
Trump oo sheegay in ciidamada Maraykanku sii joogi doonaan Iiraan ilaa heshiis dhab ah la hirgeliyo