| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo Dib-u-dhiska Isbitaalka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ka daahfuray dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka oo Shiinuhu taageerayo, iyo dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, si loo horumariyo waxbarashada milatariga iyo adeegyada caafimaadka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo Dib-u-dhiska Isbitaalka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo Dib-u-dhiska Isbitaalka / SONNA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Jaamacadda Difaaca Qaranka ayaa qeyb ka ah aragtida Madaxweynaha ee lagu xoojinayo waxbarashada milatariga, aqoonta iyo xirfadaha mihnadeed, si loo soo saaro khubaro Soomaaliyeed oo aqoon iyo karti u leh inay ka qeybqaataan difaaca iyo ilaalinta dalka. Jaamacaddan casriga ah ayaa ka koobnaan doonta kulliyado waxbarasho, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo xarumo hoy ah. Dowladda Shiinaha ayaa taageereysa hirgelinta jaamacaddan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale daahfuray dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo noqon doona dhisme saddex dabaq ah, kaas oo ay hirgelineyso Taliska Dhismaha ee Ciidanka Xoogga Dalka. Isbitaalkan ayaa bixin doona adeegyo caafimaad oo dhammaystiran, si loo xoojiyo daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo dadka kale ee xaqa u leh inay halkaas ka helaan daaweyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaallada ay ku bixinayaan dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha milatariga, isagoo xusay in dadaalladani ay hay’adaha u suurtageliyeen qorsheynta iyo hirgelinta mashaariic waaweyn oo lagu horumarinayo awoodda ciidamada, aqoonta xirfadeed iyo adeegyada caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u hawlgeliyay Taliska Dhismaha ee hoos yimaada Taliska Taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo dhismaha, dayactirka iyo horumarinta kaabeyaasha milatariga.

XIGASHO:SONNA