| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Somalia: Hay’adda Duulista Rayidka oo Soo Bandhigtay Horumarka ay Gaartay Lana Wareegtay Qalab Cusub
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigtay waxqabadka iyo guulaha ay gaartay 2022-2026, iyadoo lagu wareejiyey qalab casri ah oo lagu xoojinayo hawlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta iyo badqabka duulista.
Somalia: Hay’adda Duulista Rayidka oo Soo Bandhigtay Horumarka ay Gaartay Lana Wareegtay Qalab Cusub
Somalia: Hay’adda Duulista Rayidka oo Soo Bandhigtay Horumarka ay Gaartay Lana Wareegtay Qalab Cusub / SONNA

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa warbixin ka soo bandhigay kulan ay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha la yeelatay wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Warfaafinta, kaas oo qayb ka ahaa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Dowladda DanQaran ee 2022–2026.

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud ayaa soo bandhigay horumarka ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed gaartay afartii sano ee la soo dhaafay iyo kaalinta ay ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha dalka iyo adeegyada duulista.

Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyay hannaanka nidaamsan ee ay Wasaaradda Qorsheyntu ku hoggaaminayso diyaarinta warbixinta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waxqabadka hay’adaha dowladda lagu diiwaangeliyo xog sax ah oo la xaqiijiyay. Wasiirka Qorsheynta ayaa faray kooxaha farsamada inay dardargeliyaan dhammaystirka warbixinta, si ay u noqoto dukumenti rasmi ah oo si wax-ku-ool ah oo ka tarjumaya guulaha iyo waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya muddadii 2022–2026.

Dhanka kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa WFP/UNHAS kala wareegtay qalab casri ah oo lagu xoojinayo hawlgallada Baadigoobka iyo Samatabbixinta (SAR).

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa dhowaan martigelisay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Madaxa Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), waxaana wafdiga ka mid ahaa Madaxa Adeegga Duulimaadyada Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay (UNHAS) iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Intii ay booqashadu socotay, Agaasimaha Guud Axmed Macallin Xasan ayaa wafdiga warbixin ka siiyay horumarka ay Hay’addu gaartay, mudnaanta WFP/UNHAS iyo fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga labada dhinac.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeeray qaybaha kala duwan ee Hay’adda, waxayna bogaadiyeen horumarka laga sameeyay maamulka iyo bixinta adeegyada duulista rayidka.

Intii ay munaasabaddu socotay, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu wareejiyay qalab casri ah oo lagu horumarinayo hawlgallada Baadigoobka iyo Samatabbixinta (SAR) ee shilalka diyaaradaha. Qalabkan ayaa ku soo beegmaya furitaanka xarun cusub oo shaqayn doonta 24-ka saac ee maalintii.

Qalabku wuxuu xoojin doonaa isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah, helidda iyo baadigoobka diyaaradaha ama dadka ku jira xaaladaha degdegga ah, wuxuuna dardargelin doonaa gurmadka samatabbixinta si waafaqsan heerarka Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO). Deeqdan ayaa qayb ka ah taageerada joogtada ah ee WFP/UNHAS ay siiso Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed si loo xoojiyo badqabka iyo ammaanka duulista dalka.

Gabagabadii booqashada, WFP/UNHAS ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada horumarinta garoomada diyaaradaha Soomaaliya, xoojinta awoodda shaqaalaha iyo horumarinta nidaamyada sharciyeynta iyo kormeerka ee Hay’adda.

Agaasimaha Guud Axmed Macallin Xasan ayaa WFP/UNHAS uga mahadceliyay taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Hay’adda, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo casriyeynta maamulka hawada iyo horumarinta badqabka duulista.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kala saxiixday dukumentiyada wareejinta qalabka iyo heshiis is-afgarad ah oo loogu talagalay in lagu sii xoojiyo iskaashiga mustaqbalka.

XIGASHO:SONNA