| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Muqdisho Ka Furtay Kulan Wadatashi ah oo Ku Saabsan Ku Biirista Heshiiska CEDAW
Ku-simaha Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Maxamed Cismaan Cumar, ayaa Muqdisho ka furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan suurtagalnimada ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska CEDAW.
Soomaaliya oo Muqdisho Ka Furtay Kulan Wadatashi ah oo Ku Saabsan Ku Biirista Heshiiska CEDAW
Soomaaliya oo Muqdisho Ka Furtay Kulan Wadatashi ah oo Ku Saabsan Ku Biirista Heshiiska CEDAW / SONNA

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Maxamed Cismaan Cumar, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay kulan wadatashi ah oo ay ka qeybgalayaan dhinacyada ay khuseyso, kaas oo looga hadlayo suurtagalnimada in Soomaaliya ay ku biirto Heshiiska Caalamiga ah ee Ciribtirka Dhammaan Noocyada Takoorka ka dhanka ah Haweenka (CEDAW).

Wasiiru Dowlaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka kulanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta sinnaanta jinsiga, ilaalinta xuquuqda haweenka iyo xoojinta doorka hay’adaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee wax ka qabashada dhammaan noocyada takoorka ka dhanka ah haweenka.

Wuxuu sheegay in kulankan, oo ay soo qabanqaabisay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ), iyadoo la kaashanayo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Haweenka (UN Women), uu yahay fursad muhiim ah oo lagu kordhinayo fahamka bulshada ee Heshiiska CEDAW, laguna falanqeynayo hannaanka suurtagalka ah ee Soomaaliya ay ugu biiri karto heshiiskaas, isla markaana lagu diyaarinayo talooyin wax ku ool ah oo hagaya tallaabooyinka xiga.

Wasiiru Dowlaha ayaa adkeeyay in wadatashigu uu ku saleysnaado Dastuurka Soomaaliya, iyadoo si buuxda loo tixgelinayo diinta, dhaqanka iyo duruufaha bulsho ee dalka. Wuxuu ku baaqay in doodaha ay ka qeybqaataan hay’adaha dowladda, Baarlamaanka, garsoorka, ururrada haweenka, bulshada rayidka ah, culimada, odayaasha dhaqanka, warbaahinta iyo dhallinyarada.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka iyo hoggaaminta haweenka inta ay socdaan hannaanka wadatashiga iyo go’aan-qaadashada.

Wasiiru Dowlaha ayaa Ururka NUSOJ ku bogaadiyay qabanqaabada kulanka, isagoo sidoo kale Hay’adda UN Women uga mahadceliyay taageerada ay ka geysatay fududeynta wadatashiga.

Ugu dambeyn, Wasiiru Dowlaha ayaa si rasmi ah u furay kulanka, isagoo ka qeybgalayaasha u rajeeyay wadahadallo miro-dhal ah oo laga soo saaro talooyin wax ku ool ah.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Madaxweynaha Israa’iil oo xisbiyada ugu baaqay inay is-tanaasul sameeyaan
Safiirrada Soomaaliya iyo Japan oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Caddaaladda iyo Garsoorka
Baarlamaanka Soomaaliya oo Dib u Eegay Sharciga Bangiga Dhexe iyo Heshiisyada Iskaashiga Garsoorka
Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Tanzania oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Israa’iil oo dishay in ka badan 800 oo macallin oo Falastiiniyiin ah tan iyo Oktoobar 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha Kula Kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku Matala EALA
Dowladda Soomaaliya: Weerarrada Muqdisho waxay hoos u dhaceen ku dhowaad 90%
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdi ka socda Talyaaniga
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Milatari oo Turki ah
RW Xamza oo ku baaqay hirgelinta shaqaalaysiinta ku salaysan kartida iyo mudnaanta
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka Hor-geeyay Baarlamaanka
Soomaaliya oo Jabuuti Kaga Qaybgalaysa Shirweynaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Wasiirka Amniga oo ka Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Shiinaha
Wasiirka Amniga Gudaha oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing
Al-Burhan iyo Afwerki oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Suudaan iyo Ereteriya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirrada Jabuuti iyo Yemen
Nabad-ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay Koonfurta Suudaan