Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvan Gil Pinto ayaa si adag u cambaareeyey weerarrada Mareykanku ku qaaday Venezuela, isagoo sheegay inay jebinayaan sharciga caalamiga ah isla markaana halis gelinayaan shacabka rayidka ah iyo kheyraadka qaranka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Venezuela Yvan Gil Pinto ayaa Sabtidii cambaareeyay duqeymo lala beegsaday caasimadda dalka ee Caracas, isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad” oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay, kuna sheegay inay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida caalamka isla markaana halis gelinayaan nolosha malaayiin qof.
“Jamhuuriyadda Bolivarian-ka ee Venezuela waxay diidan tahay, cambaareyneysaa, isla markaana hortageysaa beesha caalamka gardarrada milatari ee aadka u halista ah ee ay fulisay dowladdu hadda ka jirta Mareykanka ee Waqooyiga Ameerika, taas oo lagu beegsaday dhulka iyo shacabka Venezuela, lana bartilmaameedsaday goobo rayid iyo kuwo milatari oo ku yaalla magaalada Caracas, caasimadda Jamhuuriyadda, iyo gobollada Miranda, Aragua, iyo La Guaira,” ayuu wasiirku ku yiri bayaan.
“Gardarradan waxay khatar gelinaysaa nabadda iyo xasilloonida caalamka, gaar ahaan Latin Ameerika iyo Kariibiyaanka, waxayna si dhab ah halis u gelinaysaa nolosha malaayiin qof,” ayuu yiri.
Sida uu sheegay, ujeeddada weerarradu waxay ahayd in la qabsado kheyraadka istiraatiijiga ah ee Venezuela, gaar ahaan shidaalka iyo macdanta, isla markaana la wiiqo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka. “Ma guuleysan doonaan,” ayuu xusay.
“Isku dayga lagu doonayo in lagu soo rogo dagaal gumeysi ah si loo burburiyo nidaamka dowladeed ee jamhuuriyadda ah loona khasbo ‘isbeddel xukun,’ iyada oo lala kaashanayo oligarchy faashiist ah, wuu fashilmi doonaa sida ay u fashilmeen dhammaan isku dayadii hore,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda raaciyay.
Wuxuu sheegay in Madaxweyne Nicolas Maduro uu saxiixay digreeto ku dhawaaqaysa Xaalad Qalalaase Dibadeed oo ka dhaqan gasha guud ahaan dhulka qaranka, si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta loona hubiyo shaqeynta hay’adaha dowladda.
‘Gardarro gumeysi ah’
Wasiirka arrimaha dibadda Venezuela ayaa ugu baaqay shucuubta iyo dowladaha Latin Ameerika, Kariibiyaanka iyo dunida inteeda kale inay isu abaabulaan garab-istaag “iyagoo wajahaya gardarradan imperial-ka ah.”
Horay, warbaahinta ayaa Sabtidii soo warisay in qaraxyo xooggan oo badan laga maqlay caasimadda Venezuela, iyadoo ay sii kordhayeen xiisadaha u dhexeeya dalkaas iyo Mareykanka.
Iyadoo la soo xiganayo saraakiil Mareykan ah, CBS News ayaa werisay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu amray duqeymo lagu beegsaday goobo ku yaalla gudaha Venezuela, oo ay ku jiraan xarumo milatari.
Muuqaallo ku faafay baraha bulshada ayaa u muuqday kuwo muujinaya qiiq madow oo ka kacaya meelo kala duwan oo magaalada ah, halka seerano digniin duqeyn ah la maqlayay.
Wareysi hore loo duubay oo Khamiistii laga sii daayay telefishinka dowladda, Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay wadahadal uu la yeesho Mareykanka oo ku saabsan iskaashi lagula dagaallamayo tahriibinta daroogada.
Maduro ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada-hadal, “mar kasta oo ay rabaan, meel kasta oo ay rabaan, iyo sida ay rabaan.”
Wuxuu Washington ku eedeeyay inay raadinayso isbeddel xukun oo ka dhaca Venezuela, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in gacanta lagu dhigo kheyraadka ballaaran ee shidaalka dalka iyada oo loo marayo olole cadaadis ah oo socday bilo.