Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed, halkaas oo uu ku qiimeeyay xaaladda guud iyo howlaha socda ee ciidanka.
Taliyaha ayaa saraakiisha sare iyo hoggaanka Ciidanka Badda ka dhageystay warbixinno ku saabsan dadaallada lagu dardargelinayo hawlgallada, kor loogu qaadayo waxqabadka, laguna xoojinayo awoodda ciidanka si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.
Wuxuu sidoo kale booqday xarunta ciyaaraha ee Naadiga Horseed, isagoo halkaas ku qiimeeyay howlaha socda iyo doorka ay ku leedahay horumarinta ciyaaraha iyo xiriirka bulshada.
Sarreeye Guuto Ibraahim ayaa hoggaanka iyo saraakiisha Ciidanka Badda ku boorriyay inay xoojiyaan wada-shaqeynta, anshaxa iyo diyaar-garowga hawlgallada, si kor loogu qaado awoodda ciidanka ee gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.























