Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka telefonka ugu hambalyeeyay dhiggiisa cusub ee Kuwait

Wasiir Cabdisalaam ayaa hambalyo diirran u diray Sheekh Jarrah, isagoo mar kale xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

By
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka telefonka ugu hambalyeeyay dhiggiisa cusub ee Kuwait / User Upload

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal khadka telefoonka ah la yeeshay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheekh Jarrah Jaber Al-Ahmad Al-Sabah. Wicitaanka ayaa ahaa tallaabo diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo lagu soo dhoweynayo wasiirka cusub looguna gogol xaarayay iskaashi mustaqbalka ah.

Intii uu socday wadahadalka, Wasiir Cabdisalaam ayaa hambalyo diirran u diray Sheekh Jarrah kaddib magacaabistiisa, isagoo mar kale xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga si loo xaqiijiyo danaha iyo himilooyinka wadajirka ah ee labada shacab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale muujiyay mahadnaq qoto dheer oo uu u hayo Dowladda Kuwait, taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya. Wuxuu bogaadiyay doorka Kuwait ay ka qaadatay garab-istaagga Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed iyo gargaar bani’aadamnimo, taas oo ka tarjumaysa xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee labada dal.

Labada wasiir ayaa isku raacay baahida loo qabo in la dardargeliyo xiriirka diblomaasiyadeed, iyagoo go’aansaday in la xoojiyo iskaashiga arrimaha danaha wadajirka ah si loo hubiyo in iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Kuwait City uu sii kobco sanadaha soo socda.