Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qaybgalay Madasha 12-aad ee Afrika ee Horumarka Waara (ARFSD12) oo ka dhacday Addis Ababa.
Madashan ayaa isu keentay daneeyayaal ka socda nidaamka Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Guddiga Dhaqaalaha Afrika (ECA) si loo horumariyo mudnaanta horumarka waara ee Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta horumarka ku aaddan mudnaanta horumarka waara ee Afrika, oo ay ku jiraan tallaabooyinka cimilada, sugnaanta biyaha, iyo kobaca cagaaran, iyadoo la xoojinayo iskaashiga u dhexeeya bah-wadaagta heer gobol iyo heer caalami.
Wasiir Bashiir ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay adkeysiga cimilada, waaritaanka deegaanka, iyo iskaashiga gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka Madashu ku leedahay iswaafajinta mudnaanta Afrika iyo Ajandayaasha 2030 iyo 2063.




















