Agaasimaha Guud ee xilka wareejinaya ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ee Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa kormeer shaqo oo qaatay muddo laba maalmood ah ku geeyay xarunta hay’adda Agaasimaha cusub ee dhawaan la magacaabay, Xuseen Qaasim Yuusuf.
Kormeerkan ayaa isugu jiray indho-indhayn iyo is-xogwaraysi, iyadoo Agaasimaha cusub lagu soo wareejiyay xarunta dhexe ee hay’adda, xafiisyada bixinta adeegga baasaboorka, iyo qaybaha kala duwan ee qaabilsan adeegyada socdaalka iyo dalku-galka.
Ujeeddada ugu weyn ee kormeerkan ayaa ahayd in Agaasimaha cusub uu si dhow ula socdo habsami-u-socodka shaqada, fahan buuxana uu ka yeesho adeegyada kala duwan ee hay’addu u fidiso bulshada.
Dhanka kale, Agaasimaha xilka wareejinaya Mudane Mustaf Sheekh Cali ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada ee Facebook ku bogaadiyay mas’uulka xilka kala wareegaya, isagoo u muujiyay niyad-sami iyo wada-shaqayn.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow) oo loo soo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda,” ayuu yiri Mustaf. Wuxuuna intaas raaciyay: “Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu la garab-galo gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday, uuna waafajiyo inuu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego dalka iyo dadkaba. Hambalyo, guul ayaan kuu rajaynayaa.”
Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 13-kii bishan Abriil cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Xuseen Qaasim Yuusuf in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kaddib soo jeedin rasmi ah oo ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha.
Xuseen ayaa xilkan kala wareegaya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, kaas oo isna ay Golaha Wasiirradu isla xilkan u magacaabeen 12-kii bishii Diseembar ee sanadkii 2024-kii.





















