Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Morocco ayaa kulamo la yeeshay wasaarado iyo hay’ado kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, tamarta, macdanta, batroolka, biyaha, beeraha iyo dalxiiska.
Wafdiga oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa sidoo kale ka kooban agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga iyo mas’uuliyiin ka socda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo ururrada bangiyada dalka. Kulamadan ayaa looga gol leeyahay ballaarinta iskaashiga, maalgashiga iyo isdhaafsiga aqoonta.
Wafdiga ayaa la kulmay Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Morocco, Hay’adda Tamarta Waarta (MASEN), xafiiska qaabilsan macdanta iyo shidaalka iyo Wasaaradda Beeraha.
Hay’adda MASEN ayaa ballanqaadday inay Soomaaliya ka taageeri doonto horumarinta tamarta qorraxda iyo dabaysha, halka dhinacyada macdanta iyo batroolka lagu heshiiyay iskaashi farsamo iyo tababarro loo fidinayo shaqaalaha Soomaaliyeed. Sidoo kale, wasaaradaha beeraha ee labada dal ayaa ku heshiiyay inay diyaariyaan heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wax-soo-saarka beeraha.
Dhinaca dalxiiska, Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Dalxiiska, Farsamada Gacanta iyo Dhaqaalaha Bulshada iyo Iskaashiga ee Morocco, isagoo soo bandhigay fursadaha dalxiis ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xeebteeda ka badan 3,300 oo kiiloomitir, buuraha Cal Madow, sawirrada qadiimiga ah ee Laas Geel iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Wuxuu Morocco ka codsaday taageero ku saabsan tababarka xirfadlayaasha dalxiiska, dhismaha machad xirfadeed, dib-u-dayactirka hoteelladii xeebaha ee colaadaha ku burburay, horumarinta goobaha taariikhiga ah, dib-u-soo-nooleynta seerayaasha qaranka iyo soo jiidashada dalxiisayaasha caalamiga ah.
Xoghayaha Guud ee Morocco ayaa soo dhaweeyay codsiyadaas, isagoo ballanqaaday in wasaaraddiisu ay Soomaaliya kala shaqeyn doonto horumarinta iyo suuqgeynta dalxiiska, tababarka khubarada Soomaaliyeed, isdhaafsiga khibradaha iyo horumarinta xeebaha iyo hoteellada. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay inay sii wadaan xiriirka iyo wada shaqeynta, iyadoo Morocco ay Soomaaliya siin doonto talooyin iyo hagitaan lagu dardargelinayo horumarinta dalxiiska. Soomaaliya iyo Morocco ayaa labaduba xubno ka ah Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.


























